11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

GANACSADE ABUUKAR CUMAR CADDAAN: “Cali Maxamed Geedi Hawiye Kursi uguma fadhiyo ee Ninkii u dhiibtay ayuu ugu fadhiyaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 14, 2007(HOL): Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo gacan saar la lahaa Maxkamadihii Islaamka ee dabayaaqadii sanadkii hore la wiiqay awoodoodii ayaa wuxuu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, shir ay Beesha Mudullood dhawaan ku taageertay Dowladda Federaalka iyo sida uu u arkayo hadalkiii uu Imaamka Beelaha Abgaal Imaam Maxamuud Imaam Cumar uu ka jeediyay.

 
Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu ka hadlay hadalkii uu Imaam Maxamuud ku taageeray Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in Imaamka uu yahay Duub dhaqan, isla markaana looga wanaagsan yahay in uu siyaasad galo, “Imaamka haddii uu wax qabanayo oo uu xal raadinayo wax haka qabto dhibaatada ka dhex jirta Beelaha Abgaal”ayuu yiri Abuukar Cumar Caddaan.
 
Mar uu ka hadlayay hadal uu dhawaan sii daayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ahaa in uu ku fadhiyo Kursiga Hawiye isla markaana ciddii wax tabaneysa ay isaga la hadasho waxaa uu sheegay Abuukar Cumar Caddaan in uusan Cali Maxamed Geedi kursi ugu fadhin Hawiye balse uu kursigaas ugu fadhiyo ninkii u dhiibtay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas nasiib darro yihiin, isla markaana ay wadaan dad aan ahal u ahayn, wuxuuse sheegay in dagaalkaas dhamaan doono, isla markaana uu xaalka noqon doono sidii Alle ka dhigo.
 
Hadalkan uu sii daayay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay dhawaan magaalada Nairobi kulan is-cafin ah ku yeesheen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Maxamed Dheere, Salaad Cali Jeelle, Cabdi Jiinow oo isku dhinac ahaa iyo Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, wuxuuna kulankoodaasi ahaa mid ay qaab Qaraabanimo ah ugu heshiiyeen, inkastoo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Ameerika uu sheegay in ay heshiis wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo gacan saar la lahaa Maxkamadihii Islaamka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).