Sabti, April 14, 2007(HOL): 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si gaadmo ah loogu toogtay Xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho.
Rag Hubeysan oo watay gaari Runeet ah ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka labadaas askari, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib ku baxsaday gaarigii ay wateen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dil Muqdisho loogu geysto Magaalada Muqdisho Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana dhawaan lagu toogtay Isgoyska KM4 labo Askari oo iyana ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay dileen kooxo hubeysan oo watay Gaari Mark II ah.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo wax laga weydiiyay dilka labada askari ee horay loogu dilay Isgoyska KM4 ayaa sheegay in ay askartaas iyagu is-dayaceen, isla markaana ay la macaamileen sida uu hadalka u dhigay dad cadawgooda ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa had iyo jeeraale waxay dhibaatooyin kala kulmaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxayna ahayd maalmo ka hor markii Askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka isna lagu dilay agagaarka Isgoyska Siinaay ee Degmada Wardhiigley, xilli uu haweeney la haasaawayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia