11 C
London
Monday, October 27, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo shirarkooda soo af-jari la’

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, April 12, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxay kulan la qaateen Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ay maanta Muqdisho ku yeesheen labada dhinac ayaa soo geba-geboobay iyadoo aysan ka soo bixin natiijooyin la taaban karo, marka laga reebo in a labada dhinac ku ballameen in xabad joojinta la sii adkeeyo, isla markaana ay maalinta berri ah kulan kale isugu yimaadaan.

 

Maxamed Xasan Xaad oo ah Xoghayaha Guddiga Odayaasha Beesha Hawiye oo kulankaas ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in kulankooda ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in xabad-joojinta la sii adkeeyo iyo dagaallo maalintii labaad xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ka socda, kuwaasi oo haddii aan la xakameynin culeyskooda la imaan kara.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in la isku soo qaaday in la kala qaado Ciidamada labada dhinac ee is-horfadhiya, si loo baajiyo in ay mar kale isku dhacaan, wuxuuna caddeeyay in ay uga muuqatay saraakiisha ay la kulmeen in aysan arrintaas ku qanacsaneyn balse ay iyagu mar kasta diyaar u yihiin in ciidamada la kala qaado.

 

Dadka Muqdisho weli ku sugan iyo kuwa kale ee ka barakacay ayuu ugu baaqay in ay dul-qaad muujiyaan, bacdamaa ay dhibaato heysato, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan la celin karin wixii Allaah xaggiisa ka yimaada balse ay iyagu intii karaankooda ah ku dadaali doonaan in qaab wada hadal iyo nabadgelyo ah lagu dhameeyo mushkiladda Xamar ka taagan.

 

15 Cisho ayaa ka soo wareegatay maalintii uu Muqdisho ka qarxay dagaalkii afarta maalmood socday ee ay dadka badan ku dhinteen, tan iyo xiligaasna ma jiro wax horumar ah oo laga gaaray in la dhameeyo xiisadda colaadeed ee Xamar ka aloosan, marka laga reebo in ay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ay wada gaareen heshiis xabad-joojin ah oo aysan qeyb ka ahayn Dowladda Federaalka oo iyadu Muqdisho keentay Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).