Khamiis,
Sicir bararkan ayaa wuxuu ku habsaday dadka Muqdisho kadib markii ay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka bilowdeen dagaallada, isla markaana ay xirmeen goobihii ganacsiga.
Sidoo kalena wuxuu sicir bararkan yimid kadib markii ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay ganacsatada Gobolka Banaadir canshuur ay u arkeen mid aysan bixin karin, waxayna go’aansadeen in aysan Dekedda ku xirin Maraakiibta iyo Doomaha Badeecooyinka Ganacsi u sida.
21 gaadiidka Badda ah oo isugu jira Maraakiib iyo Doomo ay ku raran yihiin badeecooyin kala duwan ayaa taagan meel u muuqata Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo ganacsatadii soo raratay ay sheegeen in aysan dejineynin tan iyo inta ay Dowladda ka laabaneyso amaba ay ka dabcineyso canshuurtii ay ku soo rogtay.
Maraakiibta iyo Doomaha taagan agagaaraha Dekedda Muqdisho ayaa badeecooyinka saaran waxaa si weyn ugu baahan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo Gobollada kale ee ganacsi ahaanta ku xiran, kuwaasi oo haatan ay noloshii ku sii adkaaneyso.
Gadoodka ay Ganacsatada Muqdisho ku diidan yihiin in ay bixiyaan canshuurta ay ku soo rogtay Dowladda federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland ay kala saxiixdeen heshiis canshuuro looga siinayo badeecooyinka laga soo dejiyo iyo kuwa laga dhoofgiyo Dekedda Boosaaso iyo Garoomada uu maamulo Maamul Goboleedka Puntland, waxaana arrintaas darteed Boosaaso u tegay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirkiisa Ganacsiga Prof. C/llaahi Axmed Afrax.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






