Khamiis,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xaruntii Nabad-sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan dowladda is-hortaag ku sameynin hay’adaha samafalka, balse waxa ay tiri ay tahay hala baaro raashinka iyo gargaarka kale ee aad siineysaan dadka tabaaleysan.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay Hay’adaha Gargaarka u qoreen qoraal ay ugu sheegayaan in Hay’adaha looga baahan yahay in ay la jaan-qaadaan nidaamka ay Dowladda Federaalka kula dhaqmeyso Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Dalka Soomaaliya, bacdamaa sida uu yiri ay muddo 16 sano ka badan ay u dhaqmayeen sidii ay doonaan.
Wasiirka waxaa uu ku eedeeyay Hay’adaha gargaarka in ay Dadka siiyaan Raashin dhacay oo ay muddo dheer Bakhaarro ku hayeen, wuxuuna farta ku fiiqay in shuban biyoodka ka dilaacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda laga qaaday raashinkaas dhacay oo dadka loo qeybiyay.
Wasiirka waxaa kale oo uu ku eedeeyay Hay’adaha Samafalka in ay Hay’adaha Samafalka keydiyaan raashinka, isla markaana ay qeybintiisa ku soo beegaan xili ay dadka Beeraleyda ah u soo go’aan dalaggii ay tacbadeen ee ay faa’iidada ka heli lahaayeen, iyagoo Bakhaarro ku haya xiligii loo baahnaa, sidoo kalena waxaa uu ku eedeeyay in ay raashin yar siiyaan dad tiro badan, iyagoo ku warbixinta ay gudbinayaan gashanaya in ay dad badan raashin u qeybiyeen.
Ugu Dambeyntiina, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, waxaa uu ku cel celiyay in Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso in la baaro raashinka dadka loo qeybinayo, si loo hubiyo tayadooda ku aadan in ay cuni karaan dad Bani’aadam ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






