9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Dagaal ka socda Xaafadda Fagax ee Degmada Yaaqshiid

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, April 11, 2007(HOL):Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa dhinacyadii maalmihii tegay ku dagaalamayay magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkooda qarxay saaka aroortii.

 

Dagaalkan oo ilaa haatan socda ayay labada dhinac isugu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta ay labada dhinac isku radayaan laga maqlayaa xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socdo.

 

Ciidamada labada dhinac ee dagaalamaya ayaa beryahan oo dhan isku horfadhiyay halka ay maanta ku dagaalamayaan, wuxuuna dagaalkooda ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay ku jirtay xabad joojin ay kala saxiixdeen Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan .

 

Afhayeenka Guddiga Xabad-joojinta Beelaha Hawiye Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa dagaalka dib uga soo cusboonaaday wuxuu dusha u saaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay ka xun yihiin heshiiska xabad joojinta ah ee ay wada gaareen odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

 

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii lagu guuleysan waayay muddo 10 maalmood ka badan in la  kala qaado ciidamada labada dhinac, wuxuuna  dagaalkooda ahaa mid ay dadka Muqdisho mar kasta filayeen.

 

Wixii ku soo kordha dagaalka Xaafado ka mid ah Muqdisho dib uga soo cusboonaaday kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).