Arbaco, April 11, 2007(HOL):Guddiga u xil-saaran qabashada shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday ayaa magaalada
Guddoomiyaha Guddigan Cali Mahdi Maxamed iyo C/raxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaan Guul-wade) oo isna guddiga xubin ka ah ayaa magaalada
Xubnaha Guddigan ayaa kala hadlaya wakiillada Dalalka Deeqaha bixiya iyo Qaramada Midoobay sidii dhaqaale loogu heli lahaa shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday.
Laakin Shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa mid aan ku qabsoomi doonin xiligii loo qabtay oo ku aadan 16-ka bishan, waayo waxaanan weli shirka loo heynin dhaqaalihii iyo meeshii lagu qaban lahaa.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa mar uu halkaas shir jaraa’id ku qabtay, isla markaana wax laga weydiiyay qabashada shirkaas waxaa uu sheegay in ay dhici karto in qabashada shirkaas dib loo dhigo bacdamaa aanan lahaynin dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa, hayeeshee waxaa uu xusay in dib u dhigista shirka ay u taalo Guddiga loo xil saaray.
16-ka bishan ayay horay ugu dhawaaqday Dowladda Federaalka in ay shir dib u heshiisiineed ku qabaneyso Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa in shirkaas la qabto xiligii loogu talagalay caqabad ku noqday dagaallo Magaalada Muqdisho ka dhacay oo aan weli xal loo helin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






