Arbaco, April 11, 2007(HOL): Is-rasaaseyn xooggan oo qadar daqiiqado ah socotay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaana meelihii ay isku horfadhiyeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad aad u culus oo ay isu adeegsadeen labada dhinac, waxaana kadib dhacay madaafiic waa weyn oo laga tuuray dhinaca Villa
Iska hor imaadka xalay dhacay iyo rasaas goos goos ah oo saakay ka dhaceysa xaafadaha Fagax iyo Jamhuuriya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay maalmihii tegay magaalada Muqdisho ka jirtay xabad joojin ay wada gaareen saarkiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.
Dadka Muqdisho ku dhaqan iyo kuwo ka barakacay oo rajo ka qabay in ay dib ugu soo laabtaan xaafadahooda ayaa si weyn uga naxay xabadda xalay ka dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, waayo waxay dhowrayeen heshiis laga gaaro dagaalladii lagu hoobtay ee afarta maalmood ka socday Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho Barakac ay sameynayaan dadkii ku harsanaa Magaalada, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan u muuqan rajo ah in xal loo helo mushkiladda ka taagan Xamar.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay ayaa haatan lagu tilmaami karaa mid aan deganeyn oo xilli kasta uu dagaal ka dhici karo waayo waxaa is-horfadhiya dhinacyadii horay ugu dagaalamay magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






