Talaado,
Xuseen Caydiid oo isagoo ku sugan magaalada Asmara u waramayay Taleefashin ay Eretereya leeadahay ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku xasili karo iyadoo ay ka baxaan ciidamada Itoobiya, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed iyagu ka wada hadlaan aayahooda.
Xuseen Caydiid waxaa uu horay ula dhacsanaa joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, isagoo xitaa mar sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay is-taahilaan in ay baabi’iyaan xadka u dhaxeeya, isla markaana ay hal baasaboor qaataan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, is-bedelka ku yimid Xuseen Maxamed Caydiid waxay dad badan rumeysan yihiin uu salka ku hayo madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dhawaan ku tilmaamay nin aan caadi ahayn iyo iyadoo xilkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga wareejiyay, inkastoo aan Xuseen afkiisa laga heynin in uu arrimahaas dartood isu bedelay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






