9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqy in ay dalkooda ka saaraan Ciidamada ku soo duulay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, April 10, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel ay ugu joogaanba in ay ka qeybqaataan halganka dalka Soomaaliya looga xoreynayo ciidamada ku so duulay.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Cid kasta oo Soomaali-Muslim ah ay waajib ku tahay in ay la dagaasho ciidamada ku soo duulay dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in marka ugu dambeyso ay dadka Soomaaliyeed lahaan doonaan gacanta sareysa, isla markaana ay Ciidamada Itoobiyaanka ka bixi doonaan dalka Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay hadalkii ay dhawaan jeedisay Jedayi Frazer ee ku saabsanaa taageerada ay dowladda Mareykanka u heyso waxaa uu sheegay in hadalkaasi uu fashil u keenayo Mareykanka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu Mareykanku go’aansaday in aysan Soomaaliya xasilin, isagoo taasina u soo daliishaday in Ameerikaanka uu Itoobiya la soo saftay xiligii ay maxkamadaha Islaamka ka talinayeen deegaano badan oo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaala.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo kulamada ay Muqdiso ku yeelanayaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu sheegay in ay taasi u muujineyso in aysan dalka Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah, taladana ay leedahay Dowladda Itoobiya, bacdamaa ay toos u wada hadlayaan Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.

 

Magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo dhawaana uu ku biiray Xuseen Maxamed Caydiid oo Xukuumadda Federaalka ka a Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).