Talaado,
Isagoo ka hadlayay shir ballaaran oo ay beesha Abgaal ku yeelatay Hotelka Laf-weyn ee magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisal Wasaare Geedi ugu baaqay Beeshiisa in ay sidoo kale ka baxdo guryaha, beeraha, isla markaana ay iska wareejiso hantida kale ee ay heysato, wuxuuna caddeeyay in Beesha laga doonayo in ay taageeradeeda hadalka ah ay ficil u bedesho.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay, wuxuuna sheegay in iyadoo ay dagaallo khasaase geystay ay dhaceen hadana ay haatan weli jiraan kooxo nabad-diidayaal ah oo sida uu hadalka u yiri qodaya waddooyinka.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Dowladda Federaalka ay dooneyso in ay si gaar ah u bar tilmaameedsato beel gaar ah oo ka mid ah Beelaha Muqdisho dega, wuxuuna carrabka ku dhuftay Ra’iisal Wasaaraha in Dowladda aysan cid gaar ah weerar ku ahayn, balse ay la dagaalameyso wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah oo afka duubtay.
Waxaa uu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday iyo cidda ka qeybgeleysa, wuxuuna sheegay in shirkaasi ay ka qeybgeleyso cid kasta oo aan argagixiso ahayn, isla markaana aan Al-Qaacidda Xiriir la lahayn.
“Dadka ka qeybgelaya shirkaas waxaa ku xiran shuruudo seddex ah oo kala ah in haddii ay ka tirsaneyd kooxihii fidnada waday iyo Maxkamadihii ay ka tanaasusho, isla markaana ay caddeyso in aysan dib dambe ugu noqoneynin, in ay Dowladda taageersan tahay iyo in ay magaca qabiilkeeda shirka ku timaado”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi.
Shirkan oo ahaa mid ay sidoo kale ka qeybgaleen xubnaha labada gole ugu jira Dowladda Federaalka Beesha Abgaal ayaa xubnihii kale oo ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna ugu baaqay Beesha Abgaal in ay taageerto Dowladda, isla markaana ay dowladda ku caawiyaan sidii ay u soo celin lahayd nabadgelyada.
“Aniga iyo Maxamed Dheere ayaa ugu mucaaradsaneyn dadkii ka soo horjeeday Dowladda Federaalka, sidii ay mucaaradnimadaas noo wadayna waxay nagu geysay Muqaawamo”ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in haddii aan la taageerin Dowladda Federaalka ay imaan doonaan wax ka xun muqaawamo.
Muuse Suudi waxaa uu sheegay in shirkooda taageerada ah aysan beel gaar ah wax ugu dhimeynin, isla markaana ay soo dhaweynayaan in dadka Soomaaliyeed walaaltinimo iyo derisnimo wanaag ku wada noolaado.
Hadalka Muuse Suudi ayaa wuxuu ka gedisan hadal uu sii daayay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle, kaasi oo sheegay in Beesha Habar-gidir ay dooneyso in ay soo celiso wax uu ugu yeeray kaartooyinkii uu ku dagaal geli jiray Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo duugoobay.
Hadalkaas wasiir ku xigeenka dad badan ayaa ka xumaaday, iyagoo sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Wasiir ku xigeenka oo magac dowladeed huwan uu sidaas u dhawaaqo, isla markaana uu dadka dib ugu celiyo taariikh mar hore laga soo gudbay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






