5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

BEESHA HAWIYE OO SHEEGTAY IN DHINACOODA AY QAATEEN XABAD JOOJIN UGA TIMID DHINACA CIIDAMADA ITOOBIYA.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, 1, Apri. 2007 (HOL)  Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Caasimada Muqdisho oo sadaxdii cisho ee la soo dhaafay Madaafiic culus laysku weydaarsanayay, ayaa sheegaya in labada dhinic ee Is-haya ku balameen xabad joojin si wada jir ah loo hergaliyo, laga bilaabo  maata oo ay Taariikhdu tahay 1, April 2007, sida uu sheegay Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah  sida uu sheegay Af-hayeenka Beesha Hawiye.
 
Axmed Diiriye waxaa uu intaa raaciyay in Xabad joojintu tahay mid ka timid dhinaca sida uu hadalku u dhigay Ciidamda Itoobiya, walow uusan Carabka ku dhufan cida Rasmi ahaan soo gaarsiisay in ay qaataan Xabad joojinta ee ka tirsan Ciidamada Itoobiya, waxaana uu intaa ku daray in wada hadal beesha dhaxdeeda ah ka dib go’aan lagu gaaray in lawada her-galiyo xabad joojinta.
 
warka ka soo baxaya beesha Hawiye oo sidoo kale uu bar bar socday Qodobo lagu xirayo Hishiis dhaca ayaa lagu sheegay in dhinacooda ay dal banayaan in la hergaliyo si nabad loo gaaro,  1. In si wada jir ah loo wada qaato xabad joojinta, 2. In dhinaca Ciidamada Dowlada Itoobiya ay hergaliyaan xabad joojinta ay ku dhawaqeen si mar kale aysan u dhicin in la jabiyo  sidii dhacday kol hore oo kale, 3.  In Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dhamaan Goobaha ay hada dagan yihiin ee Gudaha Magaalada Muqdisho islamarkaana ay dib ugu laabtaan Xaryahooda, iyo waliba Qodobo kale oo dhowr ah.
 
lakiin marka laga soo tago sheegashada dhinaca Beesha Hawiye wali wax war ah lagama hayo Garabka kale  hadii ay ahaan la haayeen  Ciidamada Itoobiya ama Dowlada Federaalka oo ku saabsan waxa ka jira xabad joojinta la sheegay.
 
dhan kale wali waxaa jira Qul-qolka dadka Rayidka ah ee isaga cararaya dagaalada Muqdisho kuwaasoo xataa aan wax dhag ah u dhigi xabad joojinta la sheegay maadama qaar badan oo ka mid ah Qoysaska dagaalku ku qabsaday Muqdisho ahaayeen kuwo soo laabtay markii la gaaray Hishiiskii hore e jabay sidaa daraadeed waxaad moodaa in shacabku uusan isku haleyn karin war kale oo ku saabsan hishiis la gaaray.
 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).