5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

ISBITAALKA AL-XAYAAT OO AY LA WAREEGEEN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH ISLAMARKAANA UU BUR BUR KA SOO GAARAY MADAAFIIC LAGU RIDAY.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, 1, Apri. 2007 (HOL)  Isbitaalka Al-Xayaat oo ka mid Isbitaalada ugu caasan Magaalada Muqdisho islamarkaana la dhigay Qaar ka mid Dadkii ku dhaawacmay dagaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay caasimada Muqdisho ayaa lagu warmayaa in ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwo Dowlada Itoobiya ee Xamar ka dagaalamaya.
 
Sida uu Qalabka warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howl-gasha Isbitaalka Ciidamada ayaa gudaha u galay Isbitaalka ka dib markii qaar ka mid ah shaqaaluhu isaga carareen xiligii Madaafiicda Culus lagu soo ridayay xaafada Xamar Bile oo ah halka Isbitaalku ku yaalo, dhaqtarku waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Itoobiya ay iyagu hada gacanta ku hayaan Isbitaalka islamarkaana ay qafaasheen labo ka tirsan shaqaalaha Isbitaalka Al-Xayaat.
 
Sidoo kale dhaqatarku waxaa uu intaa raaciyay in gudaha Isbitaalka ay ku jiraan Bukaan qaar kood xaladoodu liidato  una baahan gar gaar caafimaad, waxaa ka mid ah Bukaan yaala Isbitaalka qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay iyo waliba xitaa qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee ku dhaawac may dagaalka  oo halkaa lagu daaweynayay.
 
Ilaa hada lama garanayo sababta ka danbeeysa in cadamada Itoobiyaanku la wareegaan Isbitaalka al-Xayaat iyda oo la wada xasuusto in  dhowr jeer oo hore intii ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ay ka wadeen qeybo ka mid ah Muqdisho baaritaaka dhinaca hubka in ay gudaha u galeen Isbitaalka iyaga ka qaateen qaar ka mid ah  ilaalada  hubkii ay heysteen,   dhanka kale qeybo ka mid ah Isbitaalka ayaa waxaa soo gaaray bur bur ay sababeen Madaafiicdii laysku weydaarsayay Gudaha Caasimda.
 
C/raxmaan Diin
Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).