20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Banaanbax looga hoorjeeday Ciidamo Shisheeye oo Dalka Soomaaliya la geeyo oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 05, 2006(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qeybgaleen dadweyne u badan ardayda Dugsiyada gobolka Banaadir ayaa saakay ka dhacay Fagaaraha Tareebuunka ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeeday ciidamo ka socda dalalka IGAD oo la geeyo Soomaaliya, iyadoo dadkii banaanbaxa ka soo xaadirayna ay ku dhawaaqayeen ereyo tilmaamayay in aan ciidamo ka socda IGAD laga dooneynin Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in uu maanta shir uga socdo dalka Kenya madaxda Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo doonaya in ay Ciidamo u soo diraan Soomaaliya, inkastoo hadana uu qorshaha arrintaas dusha u saaray dowladda Itoobiya, “waxaan soo ogaanay in aaney IGAD inteeda kale dooneynin in ciidamo loo diro Soomaaliya, balse waxa qorshahaas wata ay tahay Dowladda Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Shariif oo uga digay Dowladda Uganda in ay ciidamo u dirto Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii ay ciidamo u dirto Soomaaliya ay mas’uuliyiinta askartii ka dhimata ay iyadu qaadi doonto.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aaney Soomaaliya xiligan u baahneyn Ciidamo loo soo diro Soomaaliya, “mushkiladda Soomaaliya haddii ay tahay mid Soomaalida gudaheeda ah, haatanba shir baa socda oo ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku heshiiyeen, waxaana dhinaceena ballanqaadeynaa in aan fulin doono heshiiskaas”ayuu yiri Shiikh Shariif.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay u diyaar garoobaan difaaca sharafkooda, isagoo carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay isku xukumayaan Diinta Islaamka oo ay ku helayaan wax kasta oo ay nabadgelyada ugu horeyso, waayo ayuu yiri qabiilka dadka waa wareeriyay.

Shiikh Shariif waxaa uu maanta markii labaad baaq u jeediyay hoggaamiyayaashii Muqdisho isaga cararay ee maxkamadaha ka soo horjeeday, wuxuuna ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka, “waxaan idiin sheegeynaa Soomaaliya haddii aad ciidamo ku soo hoggaamisaan oo la qabsado dhibaatada dhinaciina ayay idinka soo gaareysaa sharaf xumana waa ay idiiin tahay”ayuu yiri Shiikh Shariif oo hoggaamiyayaashaas ugu baaqay in ay Allaah cafis weydiistaan, iyadoo haddii ay taasi sameeyaana aysan wax dhibaato ah kala kulmi doonin dadka Soomaaliyeed.

Banaanbaxii maanta ka dhacay Fagaaraha Tareebuunka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo magaalada Nairobi ay kulan ku lahaayeen madaxda Urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo ka arinsan lahaa in ciidamo loo diro Soomaaliya, hayeeshee kulankaasi waa uu baaqday kadib markii ay madasha shirka ka soo xaadiri waayeen afar ka mid ah madaxda Urur goboleedka IGAD.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).