Isniin, September 04, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore ka sheegay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda in ay jiraan ciidamo fulinaya howlo tababar ah oo ay u direen gudaha dalka Soomaaliya, balse aanu jirin ciidamo hubeysan oo faragelin ku sameeyay Soomaaliya.
Meles Zenawi waxaa kale oo uu sheegay in cid kasta ay ogtahay in aan Itoobiya laga soo masaafurin kala qeybsanaanta dhinaca qabaa’ilka ee u dhaxeeya Dadka Soomaaliyeed.
Meles Zenawi oo hadlay wax yar kadib kulan uu halkaasi kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Mosaveni ayaa sidoo kale sheegay in ay u dirayaan ciidamo Soomaaliya marka ay amar ka helaan Dowladda sharciga ah ee ka jirta Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.
R’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Uganda ayaa ka wada hadlayay sidii Soomaaliya dhaqsi loogu soo diri lahaa ciidamo ka socda dalalka IGAD oo gacan ka geysta soo celinta nabadda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia