Isniin, September 04, 2006(HOL): Mar kale ayaa waxaa uu wadda hadal uga bilaawaday Magaalada Khartuum ee Dalka suudaan Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka iyo Midowga Maxkamadaha oo ilaa hadda Iyagu ah Labada awood ee a jirta Dalka soomaaliya.
Shirka oo siweyn Dadka soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku intaba isha ugu wadda hayaan ayaa Tan iyo markii uu furmaya waxaa jiray Figrado iyo Aragtiyo ay ka bixinayaan Aqoonyahanada soomaaliyeed ee sida weyn ula socda marxalada Dalku marayo kuwaasoo marka aad la sheekeysato intooda badan aragtidooda ku saleynaya Waxa labada dhinac ee kulmaya kala aminsan yihiin.
Gobalka hiiraan oo ka mid ah Gobalada Awooda maxkamaduhu Gaarsiisan tahay ayaa marka aad eegto Figrada ku wajahan shirka Khartuum waxaa kuu soo baxaya in Rajadu ku saleysan tahay sida mar walba howsha ay u maareeyaan Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb-qaadaneysa.
Ing, C/laahi Cabdi Cali Koofi oo mar ahaa ku xigeenka Gudoomiyaha Gobalka hadana ah Madaxa Xisbi siyaasadeed oo la magac baxay SPP. ayaa sheegay in marka la eego moqifyada la kala aaminsan yahay Xaalku uusan aheyn mid Fudud islamarkaana laga yaabo in arinta laysku mari waayo.
Waxaana uu intaa ku daray in marka la eego sadax Qodob ay adag tahay in markiiba hishiis Buuxa laga gaaro sida Arita ku saabsan sugida Nabad-galyada, ku dhaqanka shareecada islaamka iyo tastuurka dowlada u degsan, iyo waliba qeybsiga Awooda Dowlada, oo sida uu sheegay ah Qodobo dhinac walba dhinaca kale uusan ka dhaa-dhicin karin Hergalintooda, gaar ahaan arintu ku saabsan Nabad-galyada oo dowladu ay qabto in ay ka qeyb-qaataan ciidamo Ajnabi ah halka kuwa Maxkamaduhuna ay leeyihiin soomaalidu iyada ayaa isku filan si loo sugo nabad-galyada Guud.
Balse waxaa jira Aragtiyo ka duwan taa oo ay qabaan Qaar ka mid ah Aqoonyahanada oo iyagu ku doodaya in Mar walba maxkamaduhu yihiin kuwa ku taagan Jidka saxda ah, waxaana ay tusaale u soo qaadanayaan Magaalada Muqdisho oo sida ay sheegeen Maxkamaduhu ka qabteen Howlo ay ka qaban waayeen Hogaamiye kooxeedyadii mudda dheer joogay iyo waliba xitaa Dowlada Federaalka, sidaa daraadeed waxaa ay Fikirkooda ku saleynayaan in Dowladu arinta Nabad-galyada uga danbeyso dhinaca Maxkamda lagana wadda hadlo Qodobada kala ee laysku hayo.
Doodda ku saabsan ka miro miro dhalinta shirka Khartuum oo ah mid hareysan Guud ahaan halka ayaa waxaa sidoo kale Jira shaki laga qabo wax Iman kara hadii shirkani lagu guul dareysto.
Ing. Taano oo ka mid ah aqooyahanada arintaa ka hadlay ayaa sheegay in wax dhici kara looga tusaale qaadanayo hadalkii ka soo yeeray Madaxa Wafdiga Maxkamadaha oo sheegay in Maxkamaduhu in ay Baydhabo tagaaan aysan waxba la aheyn lakiin ay xushmeynayaan dowlada Federaalka hadiise uu Shirku bur buro laga fiirsan doono talaabada la qaadayo, oo uu Ing, Tano u fasiray mid ka dhan ah dowlada federaalka.
Si kastaba arrinta ha ahaatee shirka Khartuum oo ah Fursad mar kale Soomaalidu ka wada Dhursugeyso ayaa waxaa la oran karaa waa mid kama danbeys ah oo Rajaduna ku xiran tahay walow dadka qaar marka aad eegto ay shaki badan ka muujinayaan dhanaca maxkamadaha oo la leeyahay maysan dirin dadkii loo baahnaa in ay kulanka ka qeyb-qaataan sida Gudoomiyaha Gudiga fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo waliba Shiikh Xasan daahir Aweys oo ah Rag miisan Culus ku leh door maxkamaduhu ka qaadanayaan sidii hishiis loo gaari lahaa.
Waxaa kaloo iyana xusid mudan shaki dadku ka qabo kulanka Gudoomiyaha Gudiga fulintu kula leeyahay magaalada Nairobi madaxweynaha dalka Kenya ahana Gudoomiyaha Urur gobaleedka IGAD Mmai Kibaki, xili dalka suudaan loo fadhiyo wadda hadal lagu doonayo in hishiis looga dhax dhaliyo dowlada iyo maxkamadaha.
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia