16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo wafdi ka kooban 17 xubnood u dirsaday Shirka Khartoum ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 31, 2006(HOL): Wafdi kasocda Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa saakay la filayaa in ay u amba baxaan Magaalada Khurtuum ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu ka furmayo shir lagu dhexdhexaadinayo Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Wafdiga Maxkamadaha ee Khartoum shirka u tegaya ayaa waxay ka kooban yihiin 17 xubnood oo isugu jira kuwo si rasmi ah shirka ugu metelaya maxkamadaha iyo kuwo goobjoogayaal noqon doona.

Magaalada Khartoum waxaa haatan ku sugan oo gaaray wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliyeed oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana la rajeynayaa in wafdiga Maxkamadaha marka ay gaaraan Khartoum uu si rasmi ah u furmi doono shirka labada dhinac lagu dhexdhexaadinayo.

Wejiga Labaad ee shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda iyo Maxkamadaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Wadamo la baxay Kooxda Xiriirka Soomaalida ay ugu baaqeen labada dhinac ee shirka ku yeelaya Khartoum in ay gaaraan heshiis awood qeybsi, waa haddii bey yiraahdeen ay doonayaan in ay deeq bixiyaasha caalamka ka qeybqaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga ay Maxkamadaha u dirsadeen Khartoum

1- Prof. Ibraahim Xasan Cadow

2- Dr.Daahir Maxamuud Geelle.

3- Maxamuud Cabdi Ibraahim

4- Prof. Cusmaan Ibraahim Axmed.

5- Sheekh Axmed Xasan Gaboobe (Sh. Axmed Bile)

6- Mukhtaar Cali Roobow “Abuu Mansuur”

7- Khaliif Maxamuud Warsame

8- Axmed C/llaahi Sheekh.

9- C/raxmaan Maxamed Xuseen

10- C/qaadir Macallin Geeddi.

11- C/kariim Sheekh Ibraahim

12- Xuseen Maxamuud Jimcaale

13- Sheekh Bashiir Cadow Calasow

14- Sheekh C/risaaq Aadan Macallin

15-Jen. Jaamac Maxamed Qaalib

16- Axmed Nuur Aw-Diini – Goob jooge.

17- Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” – Goob jooge.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirka Khartoum ee lagu dhexdhexaadinayo dowladda iyo maxkamadaha Islaamka waxaa uu u muuqdaa mid weli u baahan weji seddexaad waayo waxaana weli isa soo hor fariisan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamadaha ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geedi oo dhinac ah iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhinac kale ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).