16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Xoghayaha Difaaca Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay la joogaan Tababarayaal Ciidan oo Ajnabi ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 31, 2006(HOL): Xoghayaha Difaaca Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa beeniyay in ay saraakiil ajnabi ah ay tababar siinayaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka ee lagu xareeyay xerooyin ku yaala gobollada ay maxkamadaha Islaamka ka taliyaan, “waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in aysan jirin tababarayaal Ajnabi ah oo maleeshiyooyin noo tababaraya”ayuuna yiri Indha Cadde oo wariyayaal kula hadlayay Xerada Hiilweyne ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ay kaliya heystaan tababarayaal Soomaaliyeed oo ciidamada u baraya tabaha Mileteriga iyo aqoonta Diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay Warbaahinta gudaha iyo dibadda in ay ka faafiyeen maxkamadaha in ay la yimaadeen tababarayaal ajnabi ah, isagoo ugu goodiyay warbaahinta in ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay mar dambe ka faafiso warar aan jirin.

Xoghayaha Difaaca maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu hadalkan ka sheegay Xerada Hiilweyne oo ay ku xareysan yihiin maleeshiyooyin isugu jira kuwii hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwo kale oo Maxkamadaha gadaal kaga soo biiray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in marka uu tababarka u dhamaado ciidamadan loo kala qeybin doono difaaca dalka iyo sugidda ammaanka, isagoo meesha ka saaray in maleeshiyooyinka Hiilweyne ku xareysan ay yihiin kuwo xoog lagu haysto.

Horay ayaa Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed waxaa loogu eedeeyay in ay dagaalyahanno ajnabi ah kala qeybqaateen dagaalkii ay Muqdisho uga saareen hoggaamiye kooxeedyadii ku bahoobay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, hayeeshee warkaasi waa ay beeniyeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, waxayna ku doodeen in ay Xamar ka saareen Hoggaamiyayaashaas Maxkamadaha iyo Shacabka Muqdisho oo is-kaashaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).