Arbaco, September 27, 2006(HOL): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxadda Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa xalay wuxuu gaaray Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii maalmihii tegay la la’aa meel uu Kismaayo ka aaday.
Wasiirka ayaa Magaalada Kismaayo isaga tegay kadib markii ay aad ugu dhawaadeen ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ku hubeysan gaadiid aad u badan, waxayse dad badan isweydiiyeen sababta keentay in uu Col. Barre Kismaayo ka cararo isagoo la ogyahay in uu bogaadin jiray isbedelladii ay maxkamadaha ka sameeyeen magaalada Muqdisho, isla markaana si weyn uga soo horjeeday in Ciidamo Shisheeye ay yimaadaan dalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenkii Isbaheysiga Dooxada Jubba Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar ayaa sheegay saacado kadib markii uu Xildhibaan Barre Hiiraale isaga baxay magaalada Kismaayo wuxuu ku dhawaaqay in uu burburay Isbaheysigii Dooxada Jubba, wuxuuna sheegay in Isbaheysiga uu magac ahaan isaga jiray wixii ka dambeeyay dhismaha Dowladda Federaalka oo iyada dhismaheedi lagu baabi’iyay wixii Ururro ahaa ee jiray.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo laga hayo Col. Barre Hiiraale oo ku saabsan sida uu u arkayo la wareegidda Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Kismaayo iyo waxa iska bedelay mowqifkiisii hore ee uu ka taagnaa Maxkamadaha Islaamka iyo keenista Ciidamada Shisheeye.
Dhanka kalena waxaa maanta ka dhacay magaalada Baardheere banaanbax looga soo horjeeday Maxkamadaha Islaamka ee qabsaday Magaalada Kismaayo, waxayna dadweyne isugu soo baxay magaaladaas ay ku tilmaameen Maxkamadaha la wareegay Magaalada Kismaayo kuwo Qabiil ah.
Col. C/llaahi Faarax Afdheere oo dadkii isugu soo baxay Baardheere la hadlay ayaa sheegay in Kismaayo ay qabsadeen Qabiillo Magac Maxkamadeed huwan, isla markaana aysan u dul qaadan doonin in ay ku sii sugnaadaan Kismaayo, walow ay jireen dad guryahooda iyo goobahooda ganacsi iska joogay oo aan banaanbaxa ka qeybgelin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia