16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo loogu deeqay Gaadiid la sheegay in aaney rasaastu karin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 27, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay maanta Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ay ku degtay diyaarad aad u weyn oo u socotay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo diyaaraddaasina ay ahayd tii ugu weyneyd oo guuxeeda magaalada laga wada maqlay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo ka timid dalka Liibiya ay siday Gaadiid iyo saanad kale oo isugu jirtay Qalabka Miinooyinka lagu baaro iyo labiska Ciidanka. ilaa labo gaari oo diyaaradda ay keentay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo aaney rasaastu karin, isla markaana loogu talagalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo gaarigiisii dhawaan uu ku gubtay magaalada Baydhabo.

Gaadiidkan ay Dowadda Liibiya u soo dhiibtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan gaarigii Madaxweynaha uu ku gubtay Qarax ka dhacay Baydhabo oo la damacsanaa in Madaxweynaha lagu qaarijiyo, walow gaarigii ka gubtay Madaxweynaha ay ugu deeqday Dowladda Yemen.

Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin balse soo baxay markii ay diyaaradda Baydhabo ku degtay ayaa waxay sheegayeen in ay diyaaraddaas siday Saraakiil iyo Ciidamo ka socday Dowladda Uganda, hayeeshee warkaasi wuxuu noqday mid aan rasmi ahayn, warka saxda ahna wuxuu noqday in diyaaradda Baydhabo ka degtay ay Dowladda Federaalka u siday Gaadiid iyo Saanad kale oo Ciidan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).