16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Xildhibaan Seeraar oo sheegay in uu hubkiisii ku wareejiyay Maxkamadaha Islaamka, isla markaana Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid aanu ka sii mid noqon karin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 27, 2006(HOL): Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar oo isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu ka sii mid ahaado Baarlamaan sida uu yiri u adeegaya Amxaaro iyo Dalal cadaw ku ah Soomaaliya, “Ma rabo Baarlamaan Amxaaro ah oo u adeegaya Dowlado cadaw ku ah Soomaaliya”.

Xildhibaan Seeraar oo horay ku xigeen ugu ahaa Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba Barre Hiiraale ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka in ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya u gacan geliyaan dalal cadaw ku ah, wuxuuna sheegay in ay Baydhabo geeyeen Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo ay Dowladda Itoobiya leedahay.

Xildhibaanka wuxuu dhanka kale ka hadlay Maxkamadaha Islaamka ee kala wareegay gacan ku heyntii magaalada Kismaayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyaan, “Maxkamadaha Islaamka waxay qabteen wax aan dalka Soomaaliya laga qaban muddo ka badan 20 sano, taasi ayaana keentay in aan Kismaayo ku soo dhaweyno”ayuu yiri Xildhibaanka oo caddeeyay in aanu jirin qaab kale oo ay dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nabad iyo cadaalad, Midnimo iyo Qarannimo.

Wuxuu sheegay Yuusuf Seeraar in isaga iyo Barre Hiiraale markii isugu dambeysay ay ku kala tageen hadal wanaagsan iyo is-af-garad, wuxuuse tilmaamay in uu filayo in Col. Barre la geliyay dareen iyo tuhunno ka dhan ah Maxkamadaha, “hayeeshee anigu waxaan kalsooni ku qabaa Barre in uusan ka mid noqon doonin kuwa ay Itoobiyaanka iyo Cadawga Umadda Soomaaliyeed jiitaan, sababtoo ah waa nin aad uga fog mowqifka ah in dalka ay yimaadaan Ciidamo Shisheeye, sidoo kalena waa nin aan isla qab weyneyn oo haddii lala hadlo wax lala meel dhigi karo”ayuu yiri Xildhibaan Seeraar.

Dhanka kalena, hubkii ay lahaayeen Yuusuf Mire Seeraar iyo Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo ka mid ahaa Isbaheysigii ka talinayay Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wareejiyay Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay talada Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Gobollada Jubbooyinka.

300 oo maleeshiyo ah iyo 18 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa raggaasi ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba lagala wareegay, wuxuuna Ibraahim Shukri oo afhayeen u ah Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Kismaayo sheegay in Gaadiidkaas ay haatan kadib yihiin kuwo hoos taga maxkamadaha Islaamka, maleeshiyooyinkii saarnaana dhaqancelin loo sameyn doono kadibna la qiyaar gelin doono haddii ay Ciidamada Maxkamadaha ka mid noqonayaan iyo haddii ay guryahooda iska aadayaan intaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).