16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ka faa’iideyso Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 26, 2006(HOL): Illaahey wuxuu na leeyahay Dadka alle iyo Rasuul rumeeyeenow Soon ayaa la idinku waajibiyay sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horeeyay korkooda, waxaana idinla gudboon in aad Illaahey ka cabsataan oo amarkiisa qaadataan.

Illaahey wuxuu leeyahay maalmo la tirsho sooma, Maalmahaas oo qofkii xanuunsan iyo qofkii Musaafir ah laga cafiyay soonkooda inta xanuunkaas hayo, taas oo ay ku bedelayaan maalmo kale oo ay soomi doonaan. Dadka aan awooda u helin in ay soomaan waayeelnimo darteed ama jiro darteed, jiradaas oo caafimaadkeeda aan rajo laga qabin waxaa korkooda ah fidyo in ay iska bixiyaan, taas oo ah miskiin cunto siintiis, hal Madaal oo badar ah la siiyo maalin kasta, Madaal ka badan qofkii bixiyana waa kheyr dheeraad ah oo uu la yimid, waxaase ka sii wanaag badan in aad adkeysataan ood soonka isku dirqisaan idinka oo jiran oo musaafir ah, sida Illaaheyba idin ogeysiiyay.

Maalmaha la soomayo waa Bisha Soonqaad oo dhexdeeda la dejiyay Qur’aanka isaga oo hanuun ah oo Aayaad cad cad ah ee Bishaa qofkii xaadir u ahaada ama goob joog ha soomo, haddii uusan jiraneyn ama musaafir uusan ahayn.

Illaahey wuxuu idinla doonayaa fudeyd, culeysna idinla dooni maayo, wuxuu kale oo uu idinka doonayaa Bisha in aad buuxisaan tiradeeda iyo in aad Illaahey Weyneysaan, waxaana idinla gudboon in aad Illaahey ku abaal celidaan nicmooyinka uu idin siiyay oo soonku ka mid yahay.

Illaahey wuxuu yiri “Ragga Sooma iyo Haweenka Sooma waxaan u diyaariyay Dambi dhaaf iyo abaal weynin badan”. Nabiga (CSW) wuxuu yiri “Tobanka hore ee Bisha Soon-qaad waa naxariis alle, Tobanka dhaxana waa Dambi dhaafka Illaahey oo la helo, tobanka dambana waa Naarta oo la iska xoreeyo”, wuxuu kaloo Nabigu yiri “Bisha soonka haddii ay timaado Janada Albaabadeeda waa la furaa, Naarta albaabadeedana waa la xiraa, Shayaadiintana waa la katiinadeeyaa oo waa la xiraa”, wuxuu kaloo Nabigu yiri “Ummadeyda haddii ay ogaan lahayd Fadliga iyo abaalka ku dhex sugan Bisha Soon-qaad gudaheeda waxay jeclaan lahaayeen in uu sanadka dhan Soonqaad ahaado”, wuxuu kaloo Nabigu yiri “Bisha Soon qofkii sooma isaga oo u soomaya amarka Illaahey qaadashadiisa iyo ajir dalbasho dambigiisii hore oo dhan ayaa la dhaafaa”.

Wuxuu Nabigu (CSW) yiri “haddii ay bilato Bisha Soon-qaad Illaahey wuxuu soo fiiriyaa Umatul-Muxamad xageeda, qofkii uu Illaah fiiriyana mar dambe ma cadaabo”. Wuxuu kaloo Nabigu yiri “Soonka iyo Qur’aanka Addoonka waa u shafeecaan maalinta Qiyaamo”, wuxuu kaloo Nabigu yiri “Dadka dhamaantii waa kuwo baahan Maalinta Qayaamo illaa Nabiyaalka iyo intii raacday iyo kuwii Soomi jiray Bilaha Soonqaad, Rajab iyo Shacbaan maahee, kuwaasi waa kuwo dhergan oo aan oomaneyn”.

Wuxuu yiri Nabiga (CSW) “Janada waxaa ku dhex yaala albaab la yiraahdo Baabka dheregta oo aysan ka geleyn ilaa kuwii soomi jiray mooyee”. Illaahey (SWT) wuxuu ku yiri XadiithulQudsi “Camalka Bani’aadamka oo dhan isaga ayaa iska leh illaa soonka maahee, Soonka anigaa leh anigaana addoonkeyga ka abaal marinaya”.

Nabigu (CSW) wuxuu yiri “qofkii ku farxa Bisha Ramadaan dhalashadeeda jismigiisa Illaahey Naarta waa uu ka xoreeyaa” Illaahey (SWT) Xadiithul-Qudsi wuxuu ku yiri “Waxaan u diyaariyay Adoomankeyga saalixiinta ah waxaan il arkin, dheg maqlin, qalbi bani’aadamna aan ku soo dhicin”, sidaas darteed Illaahey wuxuu leeyahay cuna oo caba waxaad soo hor mariseen maalmihiinii soo tegay adduunyada oo loo wado maalmaha Soon-qaadka.

Wuxuu yiri Nabiga (CSW) Jibriil ayaa I yiri “Bisha Soon-qaad qofkii haleela oo aan soomin Naarta Alle haku dheereeyo, ee dheh Muxamadow Aamiin”, waana dhahay. Wuxuu yiri Nabiga (CSW) “qofkii aan ka tegin hadalka beenta ah iyo ku dhaqankiisa Illaahey dan iyo xaajo kama laha in uu ka tago cuntada iyo cabida”, waxaa kale oo uu Nabigu yiri “Qof sooman ayaa badan oo aan soonkiisa ka heleynin gaajo iyo oon wax aanan ahayn”, wuxuu kaloo Nabigu yiri “Beenta. Xanta, isku dir-dirka, naagaha oo si hawo raac ah loo fiiriyo, dhaarta beenta ah intaas oo dhan Soonka abaalkiisa ayay baabi’iyaan”, waxaa kale oo uu Nabigu yiri “Qof haddii uu kula dagaalo adiga oo sooman ama uu ku caayo waxaad tiraahdaa anigu waan soomanahay.

Waxaa Diyaariyay:
Shiikh Cali Nuur Maxamed (Sh. Cali Digir)

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).