20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

RA’IISAL WASAARE GEEDI: “Maxkamadaha Islaamka waxay u dhaqaaqeen in ay baabi’iyaan calaamadihii Qaranka, markii ay Kismaayo qabsadeena waxay hoos u dhigeen Calanka Soomaaliya”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 26, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay bur bureen wada hadalladii u socday Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna taasi ku sababeeyay in ay ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha qabsadeen Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo uu is-ballaarintooda ku macneeyay mid xag-jirnimo iyo argagixiso ah.

“Annagu waan naga go’an tahay in aan dhowrno heshiiskii aan Maxkamadaha la galnay laakin waxaan sii socon karin in aan heshiiskii sidiisii u dhowrno dhinaca kalena ay maxkamaduhu dagaal sii wadaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi .

“Maxkamaduhu horay ayay u jebiyeen xabad joojin aan la galnay, waxayna sii wadeen dilal ay u geysanayaan dadka, sidaas darteed ma arko wax horumar ah oo ay sameyn karaan wada hadallada noo socda”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda federaalka ayaa lagu wadaa in ay Khartoum ku kulmaan 30ka bisha Oktoobar ee soo socota hayeeshee ma cadda in wada hadalladaas ay dhici doonaan xiliga loo qabtay iyo in kale.

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu ka codsaday Beesha Caalamka in ay gacan ku siiso sidii ay isaga qaban lahaayeen wax uu ugu yeeray xubno asal raac qatar ah oo ku dhex jira Maxkamadaha Islaamka, “waa xag-jirnimo iyo argagixiso sii kordheys haddii aan wax laga qaban-na waxay saameyn doontaa dhamaan gobolka”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu ku eedeeyay in ay horay u soo geliyeen dalka Soomaaliya hub noocyo kala duwan leh iyo waxyaabo qarxa, sidoo kalena wuxuu ku eedeeyay in markii ay qabsadeen magaalada Kismaayo ay hoos u dhigeen calanka Soomaaliya, “Maxkamadaha Islaamka waxay u dhaqaaqeen in ay baabi’iyaan calaamadihii Qaranka, markii ay Kismaayo qabsadeena waxay hoos u dhigeen Calanka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaraha oo dadka Soomaaliyeed u ballanqaaday in ay ka difaaci doonaan kooxaha ceynkaas oo kale u dhaqmaya.

Dhanka kalena, waxaana saakay Magaalada Nairobi, gaar ahaan Safaaradda ay Soomaaliya halkaas ku leedahay kulan ku yeeshay Diblumaasiyiin Reer Galbeedah iyo kuwo ka socday Qaramada Midoobay, waxaana kulankaasi lagu cambaareeyay qabsashadii magaalada Kismaayo ee Maxkamadaha, dilkii loo geystay Sooradii Talyaaniga ee Muqdisho lagu dilay iyo isku daygii Qarax ee la rabay in lagu dilo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna Diblumaasiyiintaas iyo Ra’iisal Wasaaraha ay muujiyeen in uu daruuro hareynayaan qabsoomidda kulanka ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku ballansan yihiin 30ka Oktoobar ee soo socota.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).