Sabti, September 23, 2006(HOL): Sida ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah waxaa soo gaaray magaalada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe gaadiidka dagaalka oo ay la socdaan cutubyo ka tirsan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo doonaya in ay weeraraan magaalada Kismaayo.
Magaalada Jillib oo ah magaalo ujirta magaalada Dekedda leh ee Kismaayo 120 Km ayaa waxay sheegayaan dadka ku dhaqan in ay arkeen guutooyin ka tirsan ciidamada Maxaakiimta oo soo gaaray halkaasi, haseyeeshee ma jiraan warar taasi si rasmi ah u xaqiiijiyey.
Dhinaca Isbahaysiga Dooxada Jubba ee ka taliya Kismaayo ayaanan jirin wax warar ah oo ka soo baxaayo tan iyo intii ay soo baxday shaqaadadaan ka dhanka ah maamulkooda , haseyeeshee qaar ka mid ah shacabka ayaa arinka duulaanka maxaakiimta ka hadlay kuwaasoo sheegay in aysan ahayn wax haboon in xiligaani weerar lagu soo qaado Jubbooyinka .
Waxaa kacsan dareenka bulshada oo inta badan markaad booqato goobaha lagu qaxweeyo ee maqaayadaha oo ay dadku isla dhexmrayaan xaaladda dagaalka Kismaayo.
Dhinaca xadka
Warar kale ayaan sheegaya ciidamo ka yimid deegaanka Ceelwaaq ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo, si ay ciidamada Maxkamadaha uga difaacaan halkaasi, iyadoo dhinaca Dowladda Federaalka war ka soo baxayna uu sheegay in haddii ay Maxkamadaha weeraraan magaalada Kismaayo uu burayo Heshiiskii Khartoum, walow ay maxkamadaha horay u sheegeen in ay dowladda heshiiskaas horay u jebisay kadib markii ay Midowga Afrika ula tagtay codsi ah in uu u dedejiyo qaraar ciidamo loogu dirayo Soomaaliya.
Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismaayo, Somalia