20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Dibadbax looga soo horjeeday Ciidamo Shisheeye oo Dalka Soomaaliya la geeyo oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

dibadbaxayaal
Sabti, September 23, 2006(HOL): Dibadbax aad u ballaaran oo ay ka soo shaqeeyeen mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ee Gobolka Hiiraan, loogana soo horjeeday go’aanka ku saabsan Ciidamo Shisheeye oo dalka soo gala ayaa lagu qabtay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne.

 

Dibadbaxa oo dadka looga baaqay gawaari ay ku xiran yihiin cod-bahiyayaal ayaa dhinacyadii  ka soo qeyb-galay waxaa fagaaraha Xarunta maamulka Gobolka kala hadlay xubno sar sare oo ka tirsan Maxkamadda Ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo sheegay in loo baahan yahay in dadku muujiyo diidmada ay u hayaan go’aanka lagu gaaray in dalka lagu soo geliyo  ciidamo ka socda wadamada  ku jira Urur Gobaleedka IGAD.

 

Mas’uuliyiintii halka ka hadashay oo uu ka mid ah guddoomiya guddiga fulinta Maxkamadda Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Shiikh Faarax Macalin Max’uud ayaa waxaa uu sheegay in  wax lagu xumaado ay tahay in wali xalka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro dowlado shisheeye halkii loo baahnaa in Soomaalidu iyada gudaheeda is xaliso.

 

Shiikh_FaaraxShiikh Faarax waxaa uu intaas raaciyay  in haddii arrimaha Soomaaliya dowladaha Shisheeye faraha kala bixi lahaayeen uusan xaalku sidan ahaan laheyn, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii Khartuum oo uu sheegay in markii dhinacyadii ka qeyb-galay kaligood wadda hadleen wax laysku soo dhaweeyay.

 

Mas’uulku waxaa uu intaas raaciyay in ciidamo kasta oo ka yimaada wadamada beesha caalamku aysan waxba soo kordhin karin haddii aysan Soomaalidu iyada raali ka aheyn nabad la helo.

 

Hadallada  mas’uuliyiinta oo si weyn dadkii dibbaxa ka soo qeyb-galay u soo dhaweeyeen ayaa waxaa lagu ayidayay  Erayo  muujinaya sida dadku dhinacooda aysan raali uga aheyn ciidamo soo gala Soomaaliya.

 

Sidoo kale dibbaxyo kaa la mid ah ayaa waxaa ay ka kala dhaceen Degmooyinka Buula-burte, iyo Far-Libaax oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan, waxayna warar aanu ka helnay deegaanadaas sheegayaan in dadkii ka hadlay ay muujinayeen sida  aysan u ogleen ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

 

Ma ahan markii ugu horeysay  oo dibadbax kan oo kale ah lagu qabto xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xusud mudan in mar walba dibad baxyadaa ay ku soo beegmaan xili qeybaha ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka  ay ka dhacayaan dibad baxyo iyana looga soo horjeedo siyaasadaha ka dhanka ah maxkamada sida in dalka la soo galiyo ciidamo  ka socda waddamada IGAD oo ay maxkamaduhu u arkaan shirqool loo maleegayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).