20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo joojiyay in Bisha Soon laga ganacsado, Lana cuno Qaadka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 23, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ka taliya Magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaala dalka Soomaaliya ayaa waxay soo saareen go’aan ay ku joojinayaan in bisha Soon laga ganacsato, lana cuno Maan-dooriyaha Qaadka.

 

Shiikh C/llaahi Xuseen (Shiikh Fanax) oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada ayaa sheegay  in aan inta lagu jiro bisha Soon la iibin karin, lana cuni karin Qaadka, wuxuuna caddeeyay in qofkii u hoggaansami waaya go’aanka ay soo saareen ay ciqaab mudan doonto, iyadoo loo cuskanayo Shareecada Islaamka.

 

Ganacsatada Qaadka u soo dego iyo kuwa ku iibiya Suuqyada Muqdisho ayaa markii uu go’aankan soo baxay kadib waxay iyana soo saareen codsi ay u jeedinayaan maxkamadaha Islaamka, kaasi oo ah in loo ogolaado in ay habeenkii Qaadka iibiyaan, bacdamaa ay ku daboolaan baahida qoysaskooda.

 

Bishan Soon ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka taliyaan Maxkamado Islaam ah oo aan ogoleyn in laga tallaabsado cibaadooyinka uu Allaah Adoomadiisa ku waajibiyay, waxaana dabcan la waayi doonaa Soonkan goobo maalinta cad laga cunteyn jiray bilihii soon ee la soo dhaafay, kuwaasi oo loo bixiyay magacyo ay ka mid yihiin Alle-ka-jeed , sidoo kale waxaa yaraan doona dadkii waxyaabaha maalaa yacniga ah sameyn jiray bisha Soon, sida ciyaaridda Turubka, Dubnada, Jarta iyo Laadhuuga.

 

Bisha Soon waa Bisha ugu kheyrka badan 12ka bilood ee sanadka, waa Bil cibaado, waa Bishii Qur’aanka la soo dejiyay, waa bil uu abaalmarinteeda Allaah kaliya ogyahay, sidaas darteed waxaa la gudboon qof kasta oo Muslim ah in uu ka faa’iideysto fadligeeda oo sanadkiiba mar la helo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).