20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Federaalka oo beenisay in ay CIA-da Mareykanka si gaar ah uga codsatay in ay u baarto Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 23, 2006(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxay beenisay in ay CIA-da Mareykanka ka codsatay in ay u baarto qaraxyadii 18-kii bishan ka dhacay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo lagu dili rabay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka codsatay CIA-da Mareykanka in ay u baarto sidii loo sameeyay qaraxyadii loo geystay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuse sheegay in uu jiray codsi ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku socday guud ahaan beesha Caalamka, isagoo intaas ku sii daray in dowladaha IGAD qaarkood ay daneynayaan in ay ka qeybqaataan baaritaanka lagu sameynayo Qaraxii dhacay.

 

Dhanka kalena, C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in dowladdu ay su’aalo weydiineyso lix nin oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen amaba ay ku lug lahaayeen Qaraxyadii Baydhabo ka dhacay oo ay ku dhinteen 11 ruux oo uu ku jiray nin la dhashay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, halka ay ku dhaawacmeen 19 ruux oo kale, wuxuuna afhayeenku ka gaabsaday in uu magacyadooda sheego lixda nin ee loo hayo qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxay dalbatay in Ciidamo Shisheeye oo nabad ilaalineed loo soo diro Soomaaliya, inkastoo dalabkaasi uu noqday mid ay ku kala qeybsameen dowladaha IGAD oo laga sugayay in ay ciidamadooda u diraan Soomaaliya, tiiyoo ay u sii dheer  tahay in ay keenista ciidamada shisheeye si weyn uga soo horjeedaan Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed iyo taageerayaashooda oo shalay oo ugu dambeysay dibadbaxyo arrintaas lagu diidan yahay ka dhigay Gobollada ay Maxkamaduhu ka taliyaan ee ku yaala Koofurta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).