Khamiis, September 21, 2006(HOL): Maxkamadda Islaamka Degmooyinka Xamar-weyne iyo Xamar Jajab ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xiriirka Karateega iyo Tegwandowga Aweys Maxamed Abati (Aweys Orofeeyo) iyo Shan Gabdhood oo uu tababar siinayay.
Taliyaha Ciidamada Maxkamadahaas Shiikh Khadar Keyse C/raxmaan ayaa sheegay in markii ay soo qabanayeen Guddoomiyaha iyo Shanta Gabdhood ay ku jireen fal dhan ka ah Shareecada Islaamka, “Meesha waxaan ugu tagnay Macallinka, Wiil ag-fadhiyay iyo shan gabdhood oo sameynayay wax aaney raali ka ahayn Diinta Islaamka, waxaana ka mid ahaa falalka ay sameynayeen iyadoo gabdho iyo rag kala ajnabi ah ay wada sameynayeen jimicsi”ayuu yiri Shiikh Khadar oo intaas ku sii daray in gabdhaha uu madaxa u qaawanaa, isla markaana ay lugahooda kor u taag-taagayeen iyagoo rag ku dhex jira.
Shiikh Khadar waxaa uu sheegay in Gabdhaha ay xir-xireen ay waalidkood ku wareejin doonaan si dhaqancelin loogu sameeyo, halka Aweys Orofeeyana looga digi doono in uu mar kale u dhaqaaqo falal ceynkaas oo kale ah, haddii uu Macallinnimo doonayana uu noqdo Macallin Dugsi Qur’aan.
Xiriirka Karateega oo hoos-taga Guddiga Ololmbikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa ka gaabsaday in uu arrintan ka hadlo, iyadoo sidoo kale ay calaamatu su’aal saaran tahay xiriiro kale oo ciyaartoydiisa ay ka wada tirsan yihiin Gabdho iyo Wiilal, kuwaasi oo aan la ogeyn sida uu noqon doono Mustaqbalkooda ciyaaradeed bacdamaa ay Maxkamadaha Islaamka ka soo horjeesteen in Wiilal iyo Gabdho kala ajnabi ah ay wada ciyaaraan.
Ugu dambeyntiina Maxkamadaha Islaamka oo gacanta ku haya Magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa waxay horay u mamnuuceen daawashada ciyaaraha Adduunka, Aroosyada Muusikada laga tumo iyo furitaanka Shineemooyinka laga daawado Aflaanta, waxayna tallaabooyinkaas noqdeen kuwo ay dadku ku kala qeybsameen, sababtoo ah qaar baa qaba in Tallaabooyinkaas dib loo dhigo, isla markaana wax laga qabto ammaanka, magaaladana maamul loo sameeyo, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in marka hore wixii xumaan ah la suuliyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo oo heegan adag la geliyay
Khamiis, September 21, 2006(HOL): Goobo kala duwan oo magaalada Baydhabo ah ayaa la dhigay Ciidamada Booliska iyo kuwa deegaanka, iyagoo sugayay ammaanka Magaalada. Ciidamadan ayaa waxay baarayeen gaadiidka magaalada soo gala, iyadoo loo sheegayay Darawaliinta in aysan gaadiidka dhigi karin meelaha ay dadku ku badan yihiin
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo maleeshiyooyin ka amar qaata ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo, isla markaana maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in ay ammaanka Magaalada ay wax weyn ka bedeli doonaan, isla markaana ay isla howlgelin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka, “Si ammaanka loo sugo waxaa loo baahan yahay in la helo Ciidamo Deegaanka ah oo kala garanaya Dadka Magaalada ku cusub iyo kuwii horay u joogay”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Dhanka kalena, waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Baydhabo ka dhaco banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Bay, kaasi oo lagu taageerayo Ciidamo IGAD ka socda oo la keeno Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu Jimcihii dhawaa ka dhacay Magaaladaas banaanbax looga soo horjeeday keenista Ciidamada IGAD ee Dalka Soomaaliya.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Midowga Yurub oo cambaareeyay Qaraxyadii 18-kii bishan lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Khamiis, September 21, 2006(HOL): Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyay Qaraxyadii dhawaan lala beegsaday madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna mas’uuliyiin u hadlay ay qaraxyadaas ku tilmaameen kuwo gardarro ah.
Mr. Javier Solana oo Midowga Yurub u qaabilsan dhinaca Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Qaraxyadii dhacay 18-kii bishan ee loo geystay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay ahaayeen kuwo aan lagu qaadin kaliya dowladda Federaalka, balse ay ahaayeen kuwo lagu wiiqayo geedi socodka Nabadda Soomaaliya.
Luis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada ayaa isna uga hadlay Qaraxyadii Baydhabo ka dhacay sida uu Mr. Javier Solana uga hadlay, wuxuuna intaas ku daray in Midowga Yurub uu weli la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed taageeradii uu u hayay.
Horayna waxaa cambaareyn tan oo kale ah u soo saaray Qaramada Midoobay oo Qaraxyadaas ku tilmaantay kuwo fool xun oo wax u dhimi kara geedi socodka Nabadda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia