Arbaco, September 20, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Wargeyska Sharqul-Awsat ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadii dhawaan lala beegsaday ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu dilo, “Alle ayaa mahad gaar ah iska leh oo iga badbaadiyay falkii la ila damacsanaa”ayuu yiri Madaxweynaha oo sidoo kale u mahadceliyay ilaaladiisa gaarka ah iyo ragga dhinaca ammaanka u qaabilsan, kuwaasi oo uu sheegay in ay Gadiidka u kala bedbedelaan marka uu sameynayo socdaallada dhinaca dhulka ah.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in sababta loo bartilmaameedsaday ay la xiriirto xilka Madaxweynenimo ee uu hayo, wuxuuse carrabka ku dhuftay in uusan u jixin
Wuxuu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf hadal ka soo yeeray mas’uuliyiinta sare ee Golaha Maxkamadaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu sheegay in Qaraxyadii lala beegsaday Madaxweyne Yuusuf ay ka dambeysay Dowladda Itoobiya, wuxuuna Madaxweyne Yuusuf sheegay in uusan aaminsaneyn in ay falkii lagu dili rabay ay ka dambeysay Itoobiya, “Itoobiya waa dal aynu deris iyo saaxibo nahay, mana aaminsani in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii la ila beegsaday”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saacado kadib markii Kolonyo uu la socday la qarxiyay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday ay ka dambeeyeen sida uu yiri Kooxo argagixiso ah iyo Al-Qaacidda.
Qaraxyadii 18-kii bishan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka soo baxay Xarunta Baarlamaanka ee ADC-da ayaa waxaa ku naf waayay dad 10 ruux ku dhow, kuwaasi oo uu ka mid ahaa Nin la dhashay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo isna saacado kadib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay weeraradii lagu qaaday madaxweynaha qaarkood la dilay, kuwo kalena la qab-qabtay oo ay xabsi ku jiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ay ahaayeen kuwo lagu soo qaaday Dowladda Federaalka
Arbaco, September 20, 2006(HOL): Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qaraxyadii dhawaan lagu dili rabay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo maleegan oo lagu soo qaaday Dowladad Federaalka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Xaabsade waxaa uu meesha ka saaray in qaraxyadaas ay lug ku lahaayeen dadka Magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in falalka lagu yaqaano dadkooda ay yihiin iska hor imaadyo weji ka weji ah oo aan la isu gamban, wuxuuna cambaareeyay ciddii ka dambeysay qaraxyadii lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Xaabsade waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in si weyn loo adkeyn doono ammaanka Magaalada Baydhabo, isla markaana si gaar ah loo baari doono dadka iyo gaadiidka magaalada ku cusub ee dhawaan-galka ku ah, si buu yiri aysan u dhicin falal kale oo lagu wiiqayo ammaanka Magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Maxamed Ibraaim Xaabsade iyo Xildhibaan Yuusuf Maxamed Kheyr ayaa maalmo ka hor Qaraxii lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay isaga guurto magaalada Baydhabo, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu Qaab beeleed u shaqeynayo, isla markaana Ciidamo ku jufo ah ay ka laayeen ciidamo Digil iyo Mirifle ah oo u joogay garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Dhanka kalena, Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho oo soo xiganeysay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamuud Dhalloweyn oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dad ka soo jeeda deegaanada Digil iyo Mirifle oo gaaraya ilaa 200 oo qofood waxyeelo loogu geystay magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, taasina ay dadkaasi ku kaliftay in ay u soo wareegaan dhinaca Koofurta Mudug., iyadoo sababta loo waxyeeleynayana ay la xiriirto Qaraxyadii dhawaan lagu dili rabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Hayeeshee Col. Maxamed Muuse oo ka tirsan Taliyayaasha Booliska Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa warkaasi beeniyay, wuxuuna sheegay in aysan jirin dad Digil iyo Mirifle u dhashay oo lagu waxyeeleeyay deegaanada Puntlnad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan jirin cid si gaar ah loo bar tilmaameedsanayo oo deegaanadaas ka soo jeeda, isagoo caddeeyay in dadka u dhashay Beelaha Digil iyo Mirifle ay 80% goobo ganacsi ku leeyihiin Magaalooyinka Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia