20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay dan-ka-gelis la’aan kula dhaqmeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 20, 2006(HOL): Aqoonyahanno banaanka ka ah Dowladda Federaalka iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi in ay 18-kii bishan ay Xarunta ADC-da ku ansixinayeen Xukuumadda Federaalka, xili Madaxweyne C/llaahi Axmed iyo xubno la socday uu qarax ku qabsaday meel aan u dheereyn Xarunta Baarlamaanka uu ku shiro.

 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Dr. Maxamuud Maxamed Culusow ayaa sheegay in ay wax lala yaabo u ahayd in Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ay u fadhiyeen Xarunta ADC-da ansixinta Xukuumadda Federaalka, weliba iyagoo qoslaya oo aan wax dan ah ka gelin qaraxa ku dhacay Wafdigii Madaxweynaha.

 

Dr. Culusow waxaa uu sheegay in mas’uuliyiintaas looga baahnaa in ansixinta Xukuumadda ay u dhigaan maalmo kadib, isla markaana ay ku baxaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyada dhacay oo ahaa kuwo xooggan.

 

Dhanka kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo horjeeda qaabka loo anxisiyay Xukuumadda Federaalka ayaa dadaal ugu jira in ay soo oogaan dacwad ka dhan qaabka loo ansixiyaya Xukuumadda, waxayna xubnahan saacadihii la soo dhaafay shirar ku lahaayeen Hotellada Magaalada Baydhabo, hayeeshee lama oga sida ay ugu suurtageli karto in dib looga laabto go’aan uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo madax u ah Golaha Baarlamaanka

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku dhawaaqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ay ka gudubtay Baarlamaanka, isla markaana ay kalsooni ka heshay 174 mudane, inkastoo Xildhibaano badan oo Baarlamaanka ka tirsan ay sheegeen in aaney Xarunta Baarlamaanka joogin xildhibaano intaas la eg, waxa u codeeyay Xukuumaddana ay yihiin Dad Xarunta Baarlamaanka isaga soo cararay markii uu qaraxa dhacay, Booliskii, Kooxdii Musikada iyo dad kale oo aan Baarlamaanka ka tirsaneyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia


Shirkadaha Diyaaradaha Jubba iyo Daallo oo loo ogolaaday in ay bilaabaan Duulimaadyadii Cimrada

 

Arbaco, September 20, 2006(HOL): Waxaa Asbuuca soo socda dib u bilaabanaya Duulimaadyadii Cimrada ee Shirkadda Daallo iyo Jubba oo ay horay Dowladda Sacuudiga uga joojisay Dadka laga qaado gudaha Soomaaliya.

 

Xasan Shiikh Cali oo Shirkadda Jubba Airways u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga ay u ogolaatay in ay dib u bilaabaan duulimaadyadii Cimrada, wuxuuse sheegay in Hay’adda Sacuudiga u qaabilsan Cimrada ay ku xirtay shuruud ah in qofkii Cimro u socda laga qaado lacag laga heynayo oo la siinayo haddii uu qofka Dalka Sacuudiga ka laabto.

 

Lacagtan shuruudda ah ayaa waxaa lagu soo rogay dadka soo cimreysanaya kadib markii ay dalka Sacuudiga ka laaban waayeen dad badan oo Cimro u tegay, waana tan keentay in Dowladda Sacuudiga ay joojiso in ay dalkeeda galaan Dad Cimro u socda oo Dalka Soomaaliya ka tegay.

 

Go’aanka ka soo baxay Dowladda Sacuudiga ee Dadka Soomaaliyeed loogu ogolaanayo Cimrada ayaa wuxuu neef weyn ka soo fujiyay dad badan oo wel wel ka qabay sidii u soo cimreysan lahaayeen, inkastoo ay dadkaas ka mid yihiin kuwo kale oo dalka Sacuudiga dano ka lahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).