16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka oo Magaalada Nairobi ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay wada hadallo kula leeyihiin mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Kenya ee madaxweyne Mwai Kibaki.

Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Shariif ayaa HOL u xaqiijiyay in Shiikh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo ay diyaarad gaar ah oo ay u soo dirtay dowladda Kenya ay ka qaaday garoon diyaaradaha Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in socdaalka Guddoomiyaha uu ka dambeeyay martiqaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Mr. Mwai Kibaki oo haatan ah guddoomiyaha kaltanka ah ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana loo maleynayaa in sababta loo casuumay Shiikh Shariif ay tahay sidii loogala hadli lahaa arrimaha ku saabsan keenista ciidamada shisheeye oo ay Maxkamadaha si weyn uga soo horjeedaan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay eedeyn isku mid ah u jeediyeen dowladaha Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo ay ku eedeeyeen in ay kaligood u bax baxsanayaan in ay ciidamo u diraan Soomaaliya, halka ay u mahadceliyeen dowladaha Jabuuti, Eretereya iyo Suudaan oo ay ku sheegeen doorkooda arrimaha Soomaaliya mid dhexdhexaad ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).