Isniin, September 18, 2006(HOL): Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo galabta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo uu ahaa mid lagu doonayay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf lagu qaarijiyo.
Raiisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in ay dadka ka dambeeyay qaraxaas oo qaarkood la qabtay, qaarkoodna la dilay ay yihiin kuwo argagixiso ah oo la soo abaabulay, wuxuuna isla xiriiriyay falkii shalay lagu dilay Sooro ka shaqeyneysay Isbitaalka SOS iyo falka maanta Baydhabo ka dhacay.
Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid iyo Dr. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo labaduba ka hadlay qaraxyadaas ayaa sheegay in Qaraxa loo dhigay Madaxweynaha uu ahaa mid ay ka dambeeyeen qolyo argagixiso ah, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u waramayay Taleefashinka Al-Jazeera uu sheegay in raggii ka dambeeyay falkaas ay soo qabteen ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.
Raiisal Wasaare Geedi ayaa qudhiisa labo jeer oo hore wuxuu ka badbaaday isku siday lagu qaarijin lahaa, iyadoo labadaas jeer oo uu Muqdisho booqasho ku tegay mar lagu ganay Bam isagoo ka qudbeynayay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halka mar kalena Wadada dhinaceeda loo geliyay Bam kale xili uu ku sii jeeday Hotelka Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid ku yaala, walow labadaas qaraxba aysan waxyeelo ka soo gaarin Ra’iisal Wasaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadihsu, Somalia