12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato oo la sheegay in ay dhaqaaqeen dhinaca Gobollada Jubbooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 09, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Ciidamo uu wato ay u dhqaaqeen dhinaca gobollada Jubbooyinka oo uu Korneelku horay uga talin jiray.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka ay rasmi ahaan ku sugan yihiin Korneelka iyo Ciidamada la socda, wuxuuna Axmed Madoobe oo ay maxkamadaha Islaamka u magacaabeen in uu guddoomiye ka noqdo Gobolka Jubbada Hoose uu sheegay in Col. Barre Hiiraale uu ku sugan yahay deegaanka Caanoole oo u dhow Degmada Baardheere, isla markaana ay been yihiin wararka sheegaya in uu Korneelku gaaray Deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.

Hayeeshee Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in laga bad-badiyay wararka ku saabsan in Col. Barre Hiiraale uu weerar ku yahay Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo, wuxuuna Shiikh C/raxiin sheegay in aaney waxba ka tari doonin weerar uga yimaada dhinaca Barre Hiiraale, inkastoo uu sheegay in ay Korneelka la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Yugaandha u dhashay.

Shiikh C/raxiin Cali Muudey waxaa uu sheegay in ay maxkamadaha Islaamka Kismaayo ku dhaqan celinayaan ilaa 400 oo maleeshiyooyinkii Barre Hiiraale ah, kuwaasi oo Maxkamadaha Islaamka isu dhiibay markii ay la wareegayeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Col. Barre Hiiraale oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba oo ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka ayaa lagu soo waramayaa in isaga iyo Ciidamo la socda ay ku wajahan yihiin gobollada Jubbooyinka, isagoo taageero mileteri ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo, sida ay sheegayaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).