13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo Jihaad lala galo Ciidamada Itoobiya ku dhawaaqay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 09, 2006(HOL): Kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ay Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay qabsadeen Magaalada Buur Hakaba ayaa waxaa shir deg deg ah isugu yimid Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, waxayna Mas’uuliyiinta Maxkamdaha shirkoodaas jaraa’id ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay u diyaargaroobaan Jihaad lala galo Ciidamada Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay shirka Jaraa’id oo ka dhacay Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dalka soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, sidaas darteedna ay ku baaqayaan Jihaad Alle dartiis loo gelayo, isagoo ciidamada Maxkamadaha Islaamka ugu baaqay in ay u dhego nuglaadaan awaamiirta ka soo baxeysa Maxkamadaha Islaamka, “Dalka waxaa soo galay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, sida aad la socotaana Itoobiya oo cadaw ku ah Dadka Soomaaliyeed weligeed kama shaqeynin wax dan u ah dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aysan ahayad markii ugu horeysay oo ay ciidamada Itoobiya soo galaan dalka Soomaaliya, wuxuuse carrabka ku adkeeyay in markan ay ciidamada Itoobiyaanku ay qabsanayaan dhul hor leh oo aan ahayn kuwii ay horay u soo geli jireen.

Sidoo kalena, waxaa shirkaas Jaraa’id ka hadlay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca difaaca ayaa sii xoojiyay hadalka Shiikh Shariif ee ahaa in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay qabsadeen magaalada Buur Hakaba, wuxuuse Indha Cadde ugu baaqay Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururrada Caalamiga ah in ay Dowladda Itoobiya ka dhaadhiciyaan in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada ay maanta sameeyeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la sheegay in ay la socdaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Maamulka Maxkamadaha Islaamka uu ku sii baahayo gobollada Dalka, isla markaana ay Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda Federaalka ay u sii ekaaneyso mid Jaziirad oo kale ah oo markaasina ay ku gadaaman yihiin Maxkamadaha Islaamka.

Ugu dambeyntiina, dhaqdhaqaaqyada lidka isku ah ee ay sameynayaan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay rajo la’aan ka dhigayaan wada hadalladii u socday Dowladda iyo Maxkamadaha, kuwaasi oo wejigoodii seddexaad loo ballansanaa in ay 30-ka bishan Oktoobar ka dhacaan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).