Isniin, October 09, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay saakay magaaladaasi qabsadeen ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ku hubeysnaa ilaa 30 gaadiidka dagaalka ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada markii ay gaareen Magaalada Buur Hakaba ay saraakiishii hoggaamineysay la hadleen Dadka deegaanka oo ay u sheegeen in aysan dagaal ugu imaanin, isla markaana aysan wax cabsi ah is-gelin, waxaana dadka la hadlay saraakiil ay ka mid ahaayeen Col. Maxamed Shiikh Madoobe iyo Col. Saciid Dheere.
Magaalada Buur Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la lahaa Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameynayay deegaano u dhow fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaana deegaanada Deynuunaay iyo Mooda-moode.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa horay maamul ugu sameysay Magaalada Buur Hakaba mar ay maamul guud u dhiseysay Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Bay, inkastoo maamulkaas uu u muuqdo mid magac ahaan u jira bacdamaa ay magaalada ka howlgalaan Ciidamo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.
Mas’uuliyiinta sare ee maxkamadaha Islaamka ayaa Dowladda Itoobiya ku eedeeya in ay faragelin joogto ah ku heyso dalka Soomaaliya, isla markaana ay Ciidamo tiro badan soo gelisay, iyagoo sidoo kalena Dowladda Federaalka ku eedeeya in ay u ogolaadeen Dowladda Itoobiya in ay soo gasho gudaha Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ciidamada Dowladda Federaalka ka socday ee qabsaday Magaalada Buur-Hakaba ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaas dib ugu laabteen, isla markaana ay halkaasi dib ugu laabteen maleeshiyooyinkii deegaanka ee horay u joogay, inkastoo ay jiraan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in ay ciidamada qabsaday Magaalada Buur-Hakaba ay u dhaqaaqeen dhinaca Deegaanda Qardho iyo Leego oo dhinaca Muqdisho ka xiga Magaalada Buur-Hakaba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia