13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mid ka mid ah Xubnihii Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada oo Baydhabo ku soo fool leh

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Mid ka mid ah xubnihii Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ee laga saaray magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Ciise Cusmaan ayaa la sheegay in uu maanta ku soo wajahan yahay magaalada Baydhabo, sida ay tibaaxayaan warar naga soo gaaraya halkaas.

 

Wararku waxay sheegayaan in Ciise Cusmaan uu dhawaanahan ku sugnaa magaalada Kampala ee dalka Uganda, inkastoo aan weli si buuxda loo shaacin sababaha uu halkaasi u imaanayo.

 

Xubno kale oo ka tirsanaa Isbaheysigaas ayaa horay u gaaray Magaalada Baydhabo kadib markii ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka xoog kaga saareen Magaalada Muqdisho, waxaana xubnaha Baydhabo gaaray ka mid ah Maxamed Dheere, Maxamed Qanyare iyo Cabdi Qeybdiid, inkastoo xubnahaasi ay ka sii tageen magaaladaas kadib markii ay kulamo la qaateen madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

 

Xubnihii ku jiray Isbaheysigaas ayaa waxay u kala jiraan kuwo ka soo jabhadeynaya gudaha Itoobiya iyo kuwo kale oo laga sheegayo dalal ka tirsan Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana maleeshiyooyinkoodii iyo hubkoodiiba xoog iyo xeelad kula wareegay Maxkamadaha Islaamka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dhowr jeer wuxuu meelo fagaare ah ka sheegay in ay ugu baaqayaan xubnihii ku jiray Isbaheysigaas in ay dib Muqdisho ugu soo laabtaan, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, inkastoo soo laabashadooda uu ku xiray shuruud ah in ay marka hore Warbaahinta ka sheegaan in ay ka towbad keeneen gefkii ay galeen.

 

Dhinaca kalena Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinka Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa shalay  sheegay in ay Soomaaliya khatar kaga soo fool leedahay dhinaca Koofureed, isagoo xusay in ay haatan halkaasi ku soo wajahan yihiin, qaarkoodna ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan xubno ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee looga adkaaday Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).