13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Deeq bixiyayaasha Caalamka oo Dib u dhiska Soomaaliya ku xiray in Dowlad cusub la soo dhiso

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in deeq bixiyayaasha caalamka ay haatan shuruud ku xirayaan dib u dhiska ay horay u ballanqaadeen ee dalka Soomaaliya, sida laga soo xigtay Diblumaasiyiin halkaasi ku sugan.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in deeq bixiyayaashu ay shuruudoodu tahay in marka hore Soomaaliya laga dhiso Dowlad wadaag ah oo ay qeyb ka yihiin Maxkamadaha Islaamiga, taasoo ay sheegeen in ay ka dambeyso in ay bixiyaan dhaqaalaha dib u dhiska Soomaaliya, sida ay faafiyeen Wakaaladaha Wararka.

 

Shuruudda ceynkan ah ayaa u eg mid culeys ku saareysa dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga in ay heshiis ka gaaraan, gaar ahaan dhinaca awood qeybsiga oo ah waxyaabaha ay haatan indhaha ku hayaan dalalka deeq bixiyayaasha, iyadoo aaney muuqan wax ka hirgalay qodobadii ay horay labada dhinac heshiiska ku gaareen ee ay ku jirtay in ciidamada labada dhinac la isku dhafo, isla markaana wufuud la is-dhaafsado ka hor inta aan la gaarin kulanka xiga ee lagu ballamay 30-ka Oktoobar.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Deeq bixiyaasha Caalamka ay shuruud ku xiraan dhaqaale ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya, waxayna sidan oo kale shuruud ugu xirtay intii ay Dowladda Federaalka kala qeybsaneyd, isla markaana ay kala deganeyd magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana  codsi ay deeq bixiyayaasha Caalamka u gudbiyeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka lagu xiray shuruud ahayd in marka hore ay xubnaha Dowladda hal meel isugu tagaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).