14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweynaha Mareykanka oo todobaad gudahiis labo jeer ka hadlay Xaaladda Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Madaxweynaha dalka Mareykanka George W. Bush ayaa markii ugu horeysay todobaad gudahiisa labo jeer soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya, taasoo ahayd mid aan caadi ahaan horay looga baran in uu wax badan ka sheego arrimaha Soomaaliya.

 

Madaxweyne Bush oo ka hadlayay la wareegiddii ay Maxkamadaha Islaamiga ah la wareegeen magaalada Kismaayo ayaa sheegay in marka hore ay tahay in hubinayaan in Soomaaliya aaney ahayn saldhig ay kooxaha argagixisada ah ku nabadgalaan, taasoo uu xusay in ay tahay waxa ay haatan isha ku hayaan, inkastoo aanu faah faahin gaar ah ka bixin sida uu u arko is-baahinta maxkamadaha Islaamiga ay ku sii fidayaan gobollada Soomaaliya.

 

Sidoo kalena waxaa uu Mr. Bush soo hadal qaaday dagaallada dalka Ciraaq oo uu ku dooday in kooxda Al-Qaacidda ay ku fikireysay in ay Ciraaq Mareykanka isaga carari doonaan, iyagoo dib u eegaya casharradii Soomaaliya, “balse taasi uma rumoobin, waana ay ku hungoobeen”ayuu yiri Madaxweyne Bush oo Jimcadii quraac la lahaa boqolaal dad ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka oo ay ku jireen xubno ka tirsan musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga.

 

Madaxweyne Bush waxaa uu ku goodiyay in Mareykanku aanu ahayn sida markii ay askartooda tegayeen Soomaaliya, isla markaana ay argagixisada kula dirirayaan goob kasta oo Caalamka ka mid ah.

 

Dhanka kalena dooddii labaad oo looga hadlayo xiisadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay todobaadkan ka bilaabato Jaamacadda Johns Hopkins University ee ku taala Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan khubarro iyo diblumaasiyiin u dhashay dalka Mareykanka.

 

Dooddan oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 11ka bishan ayaa ah tii labaad oo ka dhacda dalka Mareykanka, iyadoo looga doodayo xaaladda kacsan ee Soomaaliya, waxayna doodahani yihiin kuwo lagu uruurinayo ra’yiga laga qabo xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo horayna uu Wargeyska Washington Post markii ugu horeysay Soomaaliya ka siiyay bog looga doodo xaaladaha ka jira, taasoo ay ra’yiga isku weydaarsadaan Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo dad Soomaali ah oo kala jooga Caalamka daafahiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).