Khamiis, October 05, 2006(HOL): Xafladda ku dhawaaqitaanka Maxkamadda ku dhaqanka Shareecadda Islaamka Gobolka Banaadir oo ka socotay Xaruntii Villa Somalia ayaa waxaa isugu yimid madaxda sare ee maxkamadaha, Odayaal dhaqameedyo, ganacsato, xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka, siyaasiyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kale, waxaana halkaas laga dhawaaqay Maxkamad ay ku mideysan yihiin Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed oo dhinaca Garsoorka qaabilsan.
Shiikh Cusmaan Axmed (Xasan Mahdi) oo ah Madaxa Xafiiska Garsoorka Maxkamadaha Islaamka ayaa ka warbixiyay maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka Gobolka Banaadir waxa ay ka koobnaan doonto, wuxuuna sheegay in Maxkamadda ay ka kooban tahay afar qeybood oo garsoorka ah oo uu u kala qaad-qaaday Qeybta isu celinta Hantida muuqata, Qeybta Racfaanka, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Maxkamadda Maanta la dhisay oo dhinaca garsoorka u qaabilsanaan doonta Maxkamadaha Islaamka oo xubnaheeda garsoorka ay ka badan 110 ruux ayaa waxay soo af-jareysaa nidaam la’aantii heysay Maxkamadaha Islaamka oo maalin kasta ay tiradooda sii kordheysay, waxaana haatan kadib dhinaca garsoorka looga dambeyn doonaa maxkamadda maanta lagu dhawaaqay.
Maxkamaddan oo ay hoos imaanayaan maxkamadaha Gobolka Banaadir ayaa waxay leedahay guddiyo garsoor oo gobolka Banaadir ka howlgelaya iyo guddiyo dabagal ah oo ka hoos shaqeyn doona, waxaana maanta la shaaciyay in ay maalinta Sabtida ah ay howlgeli doonaan 35 xubnood oo isugu jira qeybta isu celinta hantida muuqata, qeybta Racfaanka iyo Guddiga Gobolka Banaadir.
Xafladdii looga dhawaaqayay Maxkamaddan waxaa goob joog ka ahaa madaxda Maxkamadaha Islaamka kuwaasi oo ay horkacayeen Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasi oo u muuqday in uu maanta ka haray culeys ka heystay dhinaca Garsoorka.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer ku soo jireen cadaalad darro, sidaas darteed ayuu sheegay in loo baahan yahay in la helo cadaalad shaqeysa, iyadoo dadkana lagu kala saarayo Shareecada Islaamka.
Shiikh Shariif oo dhawaan ka hadlayay xaflad Maxkamadaha Islaamka lagula wareejiyay Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay maamulkaas marka hore ka dhisayaan dhinaca Ciidamada, kadibna Garsoorka, ugu dambeyntana Maamulka guud. Hadalkaasi Shiikha jeediyay ee ku saabsan sida agaasinka gobollada loo kala hormarinayo waxaa ka dhex muuqda qadka maxkamadaha u jeexan waayo Maxkamadaha Islaamka markii ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho waxay xoogga saareen dhinaca furista maxkamado cusub iyo diyaarinta ciidamo badan oo ay Maxkamadaha yeeshaan, maantana waxaa ku xiga dhinaca Garsoorka, halka waxa harsanna ay yihiin dhismaha MaamulkaGobolka Banaadir oo Dabcan mas’uuliyiinta Maxkamadaha ay ka fiirsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia