Khamiis, October 05, 2006(HOL): Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku wada qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo qabsoomida kulankaasina ay ka dambeeyeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha.
Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka kula qaatay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, walow ay dabcan jireen qodobo kale oo ay si hoose uga wada hadleen.
Inkastoo Xildhibaanadan ay u badnaayeen kuwo Magaalada Muqdisho degan, isla markaana Maxkamadaha Islaamka ku fikir ah marka laga hadlayo keenista Ciidamad Shisheeye hadana waxaa kulanka dhexmaray labada dhinac soo dhaweeyay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo caqabad u arka in ay is-cadaaweystaan Dowladdii Dalka loo soo dhisay iyo Maxkamadaha Islaamka ee iyana nabadgelyada ka hirgeliyay Gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay dalbatay welina ku dhegan tahay in Ciidamo Shisheeye oo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya, halka Maxkamadahana ay ku doodayaan in aan loo baahneyn Ciidamo Shisheeye bacdamaa sababtii loo dalbayay Ciidamadaas oo nabadgelyo darrada ahayd ay meesha ka baxday, sidaasoo ay tahay hadana labada dhinac waxaa u socda wada hadallo aan soo gebageboobin oo wejigoodii seddexaad loo ballansan yahay 30-ka bishan Oktoobar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia