14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dhoofinta Dhuxusha oo weli sii socota iyadoo Maxkamadaha Islaamka ay mamnuuceen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 05, 2006(HOL): Waxaa mar kale si xowli ah u bilaabatay dhoofinta dhuxusha la shito, taasi oo laga sameeyo geedo laga soo jaray dhulka keynta ah ee Baadiyaha, iyadoo horayna uu u jiray amar ka soo baxay maxkamadaha Islaamka oo lagu joojinayay dhoofinta dhuxusha.

 

Ganacsatada dhoofisa dhuxusha oo beryahaan si weyn ugu mashquulsan dhoofinta dhuxusha ayaa waxay sheegayaan in ay heystaan fasax muddo labo bilood ah oo ay Maxkamadaha ka heleen, kaasi oo ay ku dhoofsanayaan dhuxushii ay horay u soo diyaarsadeen.

 

Laakin warar aan ka helnay dad ku dhow dhow ganacsatadaas ayaa sheegaya in aysan ganacsatadu kaliya dhoofineynin dhuxushii horay ugu diyaarsaneyd balse ay sameynayaan mid kale oo hor leh, si mar kasta ay u codsadaan labo bilood oo hor leh, dhoofintana ay u sii socoto.

 

Dhuxusha oo ay ganacsatadu u kala saaraan Shubaal iyo Jaqafley ayaa laga dhoofiyaa Dekedaha Macmalka ee Ceel Cadde iyo Ceel Macaan oo ku yaala duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho, waxaana loo iib geeyaa dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

 

Aqoonyahanno badan oo u ololeeya  ilaalinta Deegaanka ayaa sheegay in geedaha la jarayo ee dhuxusha laga sameynayo haddii aan la joojin ay aakhirka keeni doonaan nabaad-guur ku yimaada geedaha kadibna uu dhulka isu bedelo mid saxare ah oo ay  roobabka ku yaraadaan.

 

Maxamed Xuseen Axmed oo ka mid ah ganacsatada dhuxusha ku iibisa Suuqa Siinaay ayaa sheegay in dhoofinta lagu hayo dhuxusha ay keentay in uu sare u kaco qiimihii dhuxusha, wuxuuna caddeeyay in loorkii dhuxusha ah haatan la kala iibsado Suuqyada Muqdisho 40 kun Shillin Soomaali ah, halka markii hore uu ka ahaa 33 kun Shillin Soomaali ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee dhoofinta dhuxusha oo dhiirigelisay jarista Geedaha ayaa waxaa dhawaan amar mamnuucaya uu ka soo baxay Golaha Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta deegaanada ay ku yaaliin Dekedaha Macmalka ah ee laga dhoofiyo Dhuxusha, waxaana la eegayaa sida ay wax noqdaan kadib marka ay dhamaato labo bilood ee ay ganacsatadu sheegteen in fasax loo siiyay in ay dhoofsadaan dhuxusha u diyaarsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).