14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo wafdi u dirtay Shir ay Jaamacadda Carabta soo agaasintay oo Nairobi ka dhacaya iyo Dowladda Federaalka oo sheegtay in aysan shirkaas waxba kala socon

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 04, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in ay maanta wafdi labo xubnood ah u dirsanayaan Magaalada Nairobi, halkaasi oo uu dhacayo shir ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta, kaasi oo loo qabtay Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka.

 

Prof. Caddow waxaa uu sheegay in shirkaasi loogu talagalay in lagu sii fududeeyo qodobada Shirka lagu wado in uu 30ka bishan ka dhaco magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, wuxuuna caddeeyay in ay ahayd in ay wafdigooda todobaadkii hore sii dirsadaan, balse ay ilaa maanta dib ugu soo dhaceen sabab la xiriirta visa-hii ay ku socdaali lahaayeen oo ka soo daahay.

 

Laakin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo shirkaas lagu casuumay ayaa mas’uuliyiin u hadlay waxay sheegayaan in aysan shirkaasi waxba kala soconin, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Xasan Cali Jeelle oo ka mid ahaa ergadii Dowladda Federaalka uga qeybgashay shirkii Khartoum uu sheegay in aaney arrimaha shirkaas waxba kala soconin, waxa kaliya oo ay Maxkamadaha isku ogaayeena ay tahay in ay wafdi Baydhabo u diraan, iyana ay mid kale Muqdisho u diraan, isla markaana sidaas lagu sii amba qaado wada hadalladii labada dhinac u socday.

 

Haddaba iyadoo uu Salaad Cali Jeelle sidaasi leeyahay ayaa hadana warar Nairobi naga soo gaaraya waxay sheegayaan in ay halkaasi ku sugan yihiin xubno ka tirsan Dowladda oo doonaya in ay maxkamadaha kula shiraan Nairobi, kuwaasi oo weliba ka mid ahaa ergadii Dowladda ee shirkii Khartoum ka soo qeybgashay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad ku eedeysay Jaamacadda Carabta in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay dhinac u xaglineyso, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Xasan Axmed Jaamac Daafeedow oo qabtay shir jaraa’id oo lagu cambaareynayay Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sheegay in Wakiilkaas uu yahay nin dhinac la safan oo aan arrimaha Soomaalaiya dhexdhexaad ka ahayn, isagoo ku sii eedeeyay in uu tegitaankii Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Kismaayo ku tilmaamay arrin iska caadi ahayd oo aan waxba u dhimeynin Heshiiskii Khartoum ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).