Arbaco, October 04, 2006(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Britain ayaa banaanbax cabasho ah waxaa ay ka hor sameeyeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dalkaas Mr. Tony Blair, iyagoo ka cabanayay qorshe ay Dowladda Britain wax ka waddo oo la rabo in UN-ka la hor geeyo, kaasi oo khuseynaya arrimaha Soomaaliya.
Banaanbaxaasi ayay dadkii isugu soo baxay ka cabanayeen mooshin ay Dowladda
Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo ka tirsan mas’uuliyiinta Ururka Banaanbaxa soo qaban qaabiyay ee SomaliConcern Group ayaa sheegay in aysan cabashadooda kaliya ku ekeyn isu soo bax balse xafiiska Ra’iisal Wasaare Tony Blair la gaarsiiyay warqad ay ku qoran tahay waxyaabaha ay ka banaanbaxayeen.
Mr. Tarzan waxaa uu sheegay in ay sidoo kale ku qoreen warqaddaas in haddii xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya ay taasi dhibaato weyn ka imaan doonto, isagoo intaas ku daray in ay qoraalka ku caddeeyeen in ay ka soo horjeedaan in Soomaaliya ciidamo loo diro xili ay nabadgelyo ka jirto, “Maxaa loogu diri waayay ciidamada markii ay Soomaalida boqol boqolka isu dhameyneysay, marka la leeyahay hadda oo ay nabadgelyo ka jirto ciidamo haloo diro”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo magaciisa mar si goob joog ahaan ah loogu arkay liis ay ku qornaayeen xubnihii ka qeybgelayay Shirkii Khartoum ee u dambeeyay ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay tegitaanka magaalada Kismaayo ee Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in uu u arkayo tegitaanka Maxkamadaha ee Magaalada Kismaayo mid ku timid dadka deegaanka oo u yeertay Maxkamadaha.
Ugu dambeyntiina, keenista Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya oo ay dalbatay Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka soo horjeeda Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ka taliya dhul weyn oo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka tirsan, waxayna taasi keentay in ay xitaa arrintaas ku kala qeybsamaan dowladihii wax ka soo dhisay Dowladda Federaalka ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia