Arbaco, October 04, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall ayaa wuxuu booqanayaa todobo dal oo xal u helidda arrimaha Soomaaliya ku lug leh, kuwaasi oo uu kala soo hadlayo arrimo ku saabsan geedi socodka nabadeynta Soomaaliya, gaar ahaan wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Isalaamka.
Ergayga wuxuu shalay booqady Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula soo qaatay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaas Meles Zenawi oo isagu si weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliyeed, halka uu maantana booqan doono Dalka Eritrea oo uu ku soo arki doono madaxweynaha dalkaas Esayes Afawerki, kaasi oo isna la sheego in dowladdiisa ay taageerto Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya.
War-Murtiyeed laga soo saaray Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ajendayaasha uu Danjire Fall ula tegayo madaxda dalalkaas ay ugu weyn yihiin kuwo ku saabsan wejiga seddexaad ee shirka Khartoum, kaasi oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Ergayga oo booqan doona wadamada Djibouti, Egypt, Eritrea, Sudan, Uganda iyo Yemen ayaa socdaalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dalka Soomaaliya uu is-bedel ka dhacay, isla markaana wadamada uu booqanayo ay si toos ah iyo si aan toos ahayn ay ugu lug leeyihiin arrimaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Jaamacadda Carabta ayaa iyaduna waxay dhankeeda ka waddaa dadaal ay ay ugu jirto sidii loo najixin lahaa wada hadallada u socda dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo haatan isugu soo haray aayo ka talinta dalka Soomaaliya, waxayna Jaamacadda Carabta qorsheyneysaa ka hor wejiga seddexaad ee shirka Khartoum kulan hordhac ah oo ay Nairobi ku yeeshaan dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo ay kulankaas kala qeybgelayaan Dowladda Kenya iyo Jaamacadda Carabta qudheeda.
Ergo ka socota Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in ay booqdaan Wadamada lagu eedeeyo inay Soomaaliya faragelinta ku hayaan, isla markaana ay la kala safan yihiin dhinacyada is-haya, iyadoo ergadaas ay sidoo kale booqan doonaan gudaha Soomaaliya ka hor 30 Oktoobar oo dhinacyda Dowladda iyo Maxkamadaha ay u ballansan yihiin in ay Khartoum ku yeeshaan shirkoodii seddexaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia