16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Kenya oo sheegtay in aaney Garoomadeeda ka soo degi karin Soomaalida Baasaboor kasta oo ay wataan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 04, 2006(HOL): Warkan ku saabsan in Dowladda Kenya ay Garoomadeeda Diyaaradaha ka mamnuucday dadka Soomaaliyeed Baasaboor kasta oo ay wataan ayaa waxaa maanta soo shaac bixiyay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo shir ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Baydhabo  ku soo qaatay.

 

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa shir jaraa’id oo uu Baydhabo ku qabtay kadib kulankii Golaha Wasiirrada waxaa uu ku sheegay in Dowladda Kenya ay mamnuucday in Dadka Soomaaliyeed ay dalkeeda ku galaan Baasaboor kasta oo ay wataan.

 

Xuseen Caydiid waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirka ay dood kadib go’aansadeen in la howlgeliyo Sarkaalka Dowladda Federaalka u qaabilsan Waaxda Socdaalka, kaasi oo xiriiro la sameyn doono Waaxda Socdaalka Dalka Kenya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si uusan shacabka caqabad ugu noqonin go’aanka soo baxay Dowladda Kenya, sidoo kalena aysan xubnaha Dowladda ula kulmin xayiraad dhinaca socdaalka ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Inj. Xuseen Caydiid waxaa uu intaas ku daray in sarkaalka dhinaca Waaxda Socdaalka ee la howlgeliyay uu ka shaqeyn doono sidii uu socdaallada mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabkaba uu labo maalmood ka hor safarkooda ula socodsiin lahaa Waaxda Socdaalka Dalka Kenya, wuxuuna Xuseen Caydiid ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Kenya ay la xiriiraan Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo.

 

Dowladda Kenya ayaa si fiican u furtay indhaha ay ku heyso dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamadaha Islaamka dhaqdhaqaaqyadooda gaarsiiyeen Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo Dowladda Kenyana ay arrintaas dareensatay, kadibna ay ciidamo soo dhoobtay xuduudka ay la leedahay Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).