13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shirka Khartoum oo qarka u saaran in uu u burburo Dowladaha Kenya iyo Itoobiya dartood

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 31, 2006(HOL):  Wejiga seddexaad ee wada hadallada u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu waday in ay shalay ka furmaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, hayeeshee taasi ma aysan dhicin waxaana furitaanka shirka hareeyay shuruudo ay labada dhinac ku xirayaan in ay wada fariistaan.

 

Maxkamadaha oo shuruudaha ugu xasaasisan ay dhankooda ka imaanayaan ayaa waxay ku doodayaan in aaney fariisan karin miiska wada hadalka tan iyo inta ay ciidamo Itoobiyaan ah ku jiraan gudaha Soomaaliya, sidoo kalena dhexdhexaadiyayaasha shirka ay ku soo biirtay dowladda Kenya oo meteleysa Urur Goboleedka IGAD.

 

Hoggaamiyaha Ergada Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in ay wada hadal diyaar u yihiin balse ay diidan yihiin in ay Kenya ka mid noqoto dhexdhexaadiyaasha Shirka, “Qolada Baydhabo waxay ka dacwootay Jaamacadda Carabta oo ay sheegeen in aysan ku kalsooneyn oo aysan cadaalad fali karin, Kenya ayaana lagu soo daray, shan bilood kadibna hoggaanka IGAD waxaa la wareegi doonta Itoobiya, taasina ma ahan mid la aqbali karo”ayuu yiri Prof. Caddow oo sheegay in ay Umadda Soomaaliyeed wakiil uga yihiin in karaamadooda la dhowro.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa iyaduna dhankeeda waxay shirka la joogtaa shuruud kale oo ah in haddiiba wada hadallada la furayo ay marka hore Maxkamadaha la gudboon tahay in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ku sugnaayeen ka hor shirka Khartoum.

 

Diblumaasiyiin ka kala socoda Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa labada dhinacba waxay ka dhaadhicinayaan in ay shuruudaha meesha ka saaraan, isla markaana shirka la furo, waxaana lagu soo waramayaa in dadaalka diblumaasiyiintaas oo si xowli ah ku socda uu suurtagal ka dhigi karo in shirka uu furmo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee labadii shir ee kan ka horeeyay ayaa qodobadii ka soo baxay ilaa iyo haatan waxaa ay yihiin kuwo aan la fulin oo aan Khartoum dhaafin, waxayna labada dhinac markii ay Muqdisho iyo Baydhabo ku kala laabteen ay iska sii wateen waxyaabihii lagu ballamay in la joojiyo sameyntooda sida in aaney maxkamadaha sii qabsan dhul kale oo hor leh iyo in Dowladda ay dalka ka saarto ciidamada Itoobiyaanka ah ee ay soo gelisay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).