13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka oo Isbitaal ku dhex dilay Maxaabiis ay dhaawac ahaan uga qabsadeen Col. Barre Hiiraale

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 31, 2006(HOL): Sida ay ku soo warameyso Wariyaheena Magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed waxaa ka dhacay Isbitaalka Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe fal naxdin leh oo ahaa in ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee gobollada Jubbooyinka ay dileen rag iyaga oo dhaawac ah maxaabiis loogu soo qabtay dagaalkii Dujuuma ku dhexmaray ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo ka amar qaadanayay Col. Barre Hiiraale.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in raggan dhaawaca ah oo lagu daweynayay Isbitaalka Degmada Bu’aale ay dhameystireen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee deegaankaas ku sugan, waxaana warkaasi loo xaqiijiyay ehelada ragga la dilay oo doonayay in ay Kismaayo lacag uga xawilaan, si loogu daweeyo Bu’aale.

 

Haddaba markii falkaas dhacay oo warka ku saabsan in raggaas iyagoo dhaawac ah la dhameystiray uu gaaray Magaalada Kismaayo ayay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Sade oo ay raggaas ka soo jeedeen shir isugu yimaadeen Magaalada Kismaayo, kadibna waxay go’aansadeen in dhibaatada dhacday ay ka hadlaan.

 

Cabdi Warsame Gurux oo Odayaasha shiray ka mid ah ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho in lagu sameeyay wax ay qaadan waayeen oo ah in la dhiibi tiray oo iyagoo dhaawac ah la dhameystiray seddex wiil oo ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku qabsadeen dagaalkii Dujuuma ku dhexmaray ciidamo ka kala amar qaadanayay Col. Barre Hiiraale iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Nabaddoon Cabdi Warsame waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay tan iyo markii ay maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ay tirsanayeen dhibaatooyin si gaar ah loogu geysanayay beeshooda, wuxuuna carrabku dhuftay in gaadiidka ay ku socdaan dadka rayidka ah oo guryaha u yaalay laga kaxeystay, sidoo kalena haweenka jidka lagu garbaasho, qaadkii oo Xamar aan laga joojinna magaalada Kismaayo laga mamnuucay.

 

Nabaddoonka waxaa uu sheegay in ay ka codsanayaan mas’uuliyiinta sare ee golaha Shuurada iyo Golaha Fulinta Maxkamdaha Islaamka in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu sameeyay oo ay soo farageliyaan, isagoo caddeeyay in ay ahaayeen dadkii Maxkamadaha Islaamka Kismaayo ku dhaweeyay.

 

Dilka loo geystay raggaasi maxaabiista dhaawacan ahaa ayaa waxaa cambaareeyay Odayaasha Dhaqanka Beesha Sade ee Magaalada Kismaayo iyo Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Gobollada Jubbooyinka, kuwaasi oo Maxkamadaha Islaamka ka codsaday in ay sharciga hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkaas dilka ah.

 

Dhanka kalena, waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga Aargada lagu dilay nin rayid ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Faarax, kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen ciidamada maxkamadaha Islaamka oo ku dhuftay rasaas ay dad ku kala ceyrinayeen, waxaana lagu soo waramayaa in ay la soo qabtay oo xabsi loo taxaabay labo nin oo dilka ninkaas loo heysto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).