13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxaa ka jira in Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ay dib ugu laabteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 30, 2006(HOL): Inkastoo wali uu jiro dhaq-dhaqaaqii ciidan ee ka taaganaa qeybo ka mid ah Xadka Gobalku la wadaago Dowlada Itoobiya ayaa haddana warar hoose oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay dib uga leebteen Ciidamada Itoobiya Deegaanadii markii hore ay soo buuxiyeen.

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dib u gurashada  Ciidamada Itoobiya  iyo  saraakiishii horkacayaba ay la xiriirto  Khilaaf soo kala dhax galay  Xubnaha Soomaalida ah ee halkaas ku wehliyay oo qaarkood ay ka mid ahaayeen Hogaamiye kooxeedyadii looga Itaal Roonaaday Dagaalkii  dhaxmaray iyaga iyo dhinca Maxkamadaha  oo sida wararku sheegayaan ka dalbaday ciidamda Itoobiya in ay ku wehliyaan  Dagaal  Maxkamadaha looga qaado dhinaca Gobalka Hiiraan,  taasoo ciidamada iyo Saraakiisha Itoobiya ay ku gacan seyreen   iyagoo ku wargaliyay Xubnaha Soomaalida ah in ay iyagu dagaalka galaan,  laakiin dhinacooda ay ku saacidayaan  wixii tasiilaad ah oo ay uga baahdaan.

 

Xogta arintaas ku saabsan oo isa soo tareysa ayaa dhinca kale waxaa sii xoojinaya hoos u dhaca ku  yimid dhaq-dhaqaaqii  ay wadeen  ciiidamada Soomalida  iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee isku dhinaca ka so jeeday, iyadoo dhanka kalana ay u baahan in xisaabta lagu darsado   Max’ed Cumar Xabeeb oo Wixii ka dambeeyay khilaafka la sheegayin uu soo kala dhax galay Itoobiyaanka iyo Xubaha Soomaalida ah ku laabtay Deegaanka Qurac- Joomo oo ka tirsan dhinaca Gobalka Bakool, halkaasoo uu kulamo ku la lahaa maalmahan  qaar ka mid ah Raggii  ay ka wada tirsanaayeen Isbaheysigii  la bur buriyay ee (Ladaaglanka Argagixisada)  sida Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid iyo C/qaadir Beebe, oo labaduba ahaa hoggaamiyaal si weyn looga yaqiinay magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca Maxkamadda Gobalka Hiiraan oo warbixintan  ama Xogtan ku saabsan dib u gurashada Ciidamada Itoobiya ay wax ka weydiisay HOL  ayaa iyagu ku gaabsaday in ay wali Iyagu difaac yihiin mar walbana ay  isha ku hayaan sida wax u socdaan, laakiin waxaa ay intaas ku dareen in maqal uun ay ku tahay  Dib u gurashada Ciidamada Itoobiya.

 

Meelaha sida weyn markii hore looga sheegay in ay ku sugan yihiin Ciidmada Itoobiyaanka ayaa waxaa ka mid ahaa halka lagu Magacaabo ( Burka Sariiraale) oo dadka socotada ah ee soo maraya hadda ay tilmaamayaan in aysan ku soo Arag wax Itoobiyaan ah,  walow wali ay jiraan ciidamo soomaali ah oo halkaa isku urursanaya, kuwaasoo marka loo eego ciidamda maxkamada ee ka soo horjeeda aan awood badneyn.

 

Hoos u dhaca ku yimid dhaq-dhaqaaqii ka taagnaa dhinaca Xuduuda oo la dareemayo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweynaya dadka ku dhaqan Gobalka oo markoodii hore Wadnaha farta ugu hayay Cabsi ay ka qabeen dagaal Faraha looga Gubto oo dhax mara  Labada ciidan ee Is hor-fadhiya, laakiin

hadana lama oran karo  hoos u dhaca cabsadii la qabay waa mid meesha ka baxday 100%  oo mar walba wax walba laga filan karo dhinacyada is haya.

 

Marka la eego Gudaha dalka soomaaliya waxaad mooddaa in hadda loolanku u dhaxeeyo Maxkamadaha iyo Dowlada Itoobiya oo ay Maxkamaduhu ku eedeynayaan in ay yihiin kuwo  wada xiisad ka bad badis ah,  taasoo keentay xitaa in  lagu dhawaaqo Jihaad lal galo Dowlada Itoobiya  oo iyana ku  mar marsiyooneysa in  ay u joogto Gudaha dalka tababarsiinta Ciidamada Dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).