13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay Ururrada Bulshada Rayidka in ay is-diiwaangeliyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 30, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen ururrada Bulshada Rayidka in ay is-diiwaangeliyaan, si loola socdo howlaha ay qabanayaan.

 

Shir ay ururrada Bulshada Rayidka uga hadlayeen baaqa uga yimid Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa uu shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, sida uu saxaafadda u sheegay Afhayeenka dhaqaaqa Bulshada Rayidka C/llaahi Maxamed Shirwac oo sheegay in uu qoraal ka soo gaaray Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay go’aansadeen in ay qoraalkaas  ka jawaabaan.

 

Shirwac ma uusan faahfaahin waxa uu ku qornaa qoraalka Maxkamadaha Islaamka ka soo gaaray, wuxuuse sheegay in ay shir ka yeesheen, isla markaana ay qorsheynayaan in ay iyana gaarsiiyaan Maxkamadaha qoraal ay jawaab ku bixinayaan.

 

Maxkamadaha Islaamka oo si buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho ayaa waaxaheeda kala duwan waxay bilaabeen in ay xakameeyaan Hay’adaha iyo Ururrada shaqadooda haya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhawaan ay isku dhaceen Mas’uulka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Arrimaha Bulshada Shiikh Axmed C/llaahi Fanax iyo Ururrada Bulshada oo sheegay in hadal uu sii daayay mas’uulkaas uu ihaano ku ahaa Ururrada Bulshada Rayidka, inkastoo markii dambe ay labada dhinac isaga soo dhawaadeen mad-madowga soo kala dhexgalay.

 

Dhanka kalena, Maxkamadaha Islaamka ayaa ugu baaqay Wariyayaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya in aysan isku tegin deegaanada laga sheego ciidamada Itoobiyaanka, waxaana warkaas ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ka hadlayay wariyayaal dowladda Federaalka ugu xiran Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo loo heysto sida la sheegayo sawirro ay ka qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan inta u dhaxeysa Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).