13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wariyayaal maalintii 7aad Baydhabo ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 30, 2006(HOL): Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh iyo Maxamed Caddaawe Aadan oo u kala shaqeynayay Idaacadaha Horn Afrik iyo Shabeelle oo Muqdisho ku yaala ayaa waxay maalintii 7aad u xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku heysa xabsi  Baydhabo ku yaala, kaasi oo aan lahayn xaqa ay Maxaabiista u leeyihiin in ay helaan.

 

Wariyayaashan oo aan ilaa iyo haatan wax maxkamad ah la soo taagin ayaa la soo sheegayaa in ay xabsiga ku heyso dandarro, iyadoo ay maalin kasta la sheego in ay baaris ku socoto, isla markaana marka ay baaristaas ku dhamaato la sii deyn doono ama haddii dembi lagu helo la xukumi doono.

 

Wariyayaashan oo laga soo qabtay deegaanka Deynuunaay oo u dhaxeeya magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo ayaa la sheegayaa in lagu heysto in ay sawirro ka qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan halka laga soo qabtay, waxayna mas’uuliyiin u hadlay Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo xariga wariyayaashaas cambaareeyay ay sheegeen in aaney dembi ahayn in wariyuhu sawir qaado, si uu bulshada xaqiiqada jirta ugu soo gudbiyo.

 

Mas’uuliyiintaas waxaa ka mid madaxa baarista iyo xadgudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha C/llaahi Calas Jimcaale oo sheegay in dowladda Federaalka ay qalad ku tahay in ay wariyayaal u xirto in ay sawirro ay qaadeen iyo taleefoonno ay leeyihiin mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka oo ugu keydsan Taleefoonnadii ay wateen.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wax laga weydiiyay sababta loo soo xiray wariyayaasha ayaa sheegay in qofka haddii dembi lagu tuhmo la xirayo, haddii dembi lagu helana la xukumayo, halka haddii lagu waayana uu sheegay in la sii deynayo.

 

Sidoo kalena waxaa xariga wariyayaashan ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Axmed Maadeey Isaaq oo sheegay in wariyayaasha xiran ay u hoggaansami waayeen digniino ay horay ugu jeediyeen oo ahaa in ay ka waantoobaan warar aan jirin oo ay dhowr jeer u tebiyeen Idaacadaha ay la shaqeeyaan, inkastoo uu xaqiijiyay in saacadaha soo socda la sii deyn doono wariyayaashaas oo uu sheegay in aysan qabin wax dhibaato ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).